Muran Sharci oo ka taagan Buuxinta Kursiga uu Banneeyey Marxuum Cali Aareeye

Hargeysa (SLpost)- Muran dhinaca Sharciga ah ayaa ka taagan buuxinta Kursiga Golaha Wakiillada ee uu banneeyey Allah hawnaxariistee Marxuum Xildhibaan Cali Ibraahim Aareeye oo geeriyooday todobaadkii hore.

 

Waxa durba bilaabmay doodda iyo ololaha Cidda Xaq u leh Buuxinta Booska Marxuumka oo sharci ahaan noqonaya Cidda ugu soo dhaw tiro ahaan Murashixiintii ay Marxuumka Isku Xisbiga ahaayeen tartanka Doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2005tii lagu soo doortay xildhibaannada Golaha Wakiillada ee xilligan kuraasida ku sii fadhiya oo wakhti kooban ka hadhsan tahay muddo-xileedkooda.

 

Doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee Somaliland, ayaa loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto dhammaadka sannadkan, iyadoo ay ka hadhsan tahay muddo ku siman lix bilood.

 

Haddaba, waxa soo if-baxay khilaaf-sharci oo sii xoojiyey muranka arrintan oo salka ku haya xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada oo dhigaya inaan la buuxin karin kursiga Xildhibaanka Geeriyooda xilli doorashadu ka hadhsan tahay muddo lix bilood iyo wixii ka yar, sida uu sheegay xildhibaan Axmed Cabdi oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada isla markaana ay Isku-deegaan yihiin Marxuumka.

 

Muuqaalka Hoose kaga bogo Xildhibaankan oo ka hadlaya Xeerka arrintan dhigaya iyo Muranka ka aloosan.