Muran ka taagan Go’aan Guddiga Horumarinta Beesha Sacad Muuse ku kala saareen Murashaxnimada Muuse Biixi, Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale

Hargeysa (SLpost)- Fadhi ay shalay yeesheen Guddida horumarnta Beelaha Sacad Muuse ee HOODAALE waxay cod ku kala saareen Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.

Musharixiintan ay Beeshu kala saartay ayaa qorshahoodu ahaa inay u tartamaan jagadda Musharaxnimadda Xisbiga KULMIYE Madaxweyne Siilaanyo dabaddii, waxaana fadhi ay maanta yeesheen oo ay ka soo xaadireen 24 Xubnood ay oo cod u qaadeen Musharixiinta Beeshoodda ee Xisbiga KULMIYE.

1Afar iyo Toban (14) ka mdi ah Guddida horumarinta ayaa u codeeyay in uu Muuse Biixi Cabdi noqdo Musharaxa Xisbiga KULMIYE Madaxweynaha Somaliland dabadii, halka ay Wasiiradda Maaliyada iyo Arrimaha dibada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis ay heleen 7 cod, 2 Xubnood ay ka aamuseen Guddoomiyuhu-na muu codaynin.

Haseyeeshee, waxa arrin ka biyo-diiday qaar ka tirsan salaadiinta Beesha oo ku tilmaamay guddiga inay ku tallaabsadeen arrimo siyaasadeed oo ka baxsan ujeeddadii loo doortay, iyada oo sidoo ay wararku sheegayaan in arrintan ay ku gacan saydheen labada wasiir ee looga eexday Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiintan ayaa muddooyinkii u dambeeyay loolan ugu jiray sidii uu mid kastaaba u noqon lahaa Musharaxa Madaxtinimadda Beesha Sacad Musue ee Xisbiga KULMIYE, iyadda oo Beeshuna ay Guddoomiye Muuse Biixi u doorteen Musharaxa KULMIYE marka uu Madaxweyne Siilaanyo hankiisa Siyaasadeed dhamaysto.