Muran Ka Taagan Dhaqaalaha Ku Baxaya Doorashada Somalia

(SL.Post) Madaxda madasha Wada-tashiga, ayaa lagu wadaa inay dhimaan tirada ergooyinka soo xulaysa Xildhibaanada, iyadoo wali la isku afgaran la’yahay qarashka ku baxaya doorashooyinka.

 

 

Kulamo ay  Madaxda dowladda iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo Hey’adaha deeq bixiyeyaasha ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

 

 

Arrimaha la isku haayo ayaa waxaa ka mid ah qaabka loo maamulayo dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay dalbanayaan in la cadeeyo dhaqaalaha ku baxaya hanaanka doorashooyinka dadban.

 

 

Sidoo kale waxaa ay dood ka taan tahay xaraynta ergada 14025 iyo dhaqaalaha ku baxaya, waxa la isku hayaa cida bixineysa dhaqaalaha intaas la eg ee ku baxeysa xareynta ergooyinka.

 

 

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmo ka hor la kulma Madaxa UNDP Helen Clark oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

 

 

 

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Keatin ayaa sidoo kale la kulmay Madaxda dowladda iyo Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal, kuwaasoo uu kala hadlay qorshayaasha doorashooyinka iyo dhaqaalaha ku baxaya.

 

 

Shirkii Madasha ee ugu dambeeyay ayay xubnaha Beesha Caalamka ku soo bandhigeen in maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ay bixiyaan qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka, taasoo ay diideen xubnaha dowlad goboleedyada.

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa