Muqsisho: Madaxweynaha Somalia Oo Shacabka La Tukaday Salaadii Ciidda

Muqdisho (SL.Post) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta shacabka kula tukaday masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho waxana uu khudbad u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed.

2016912636092486930155629img_5575

Akhriso Khudbadda Madaxweynaha

unnamed-6-1

Ciid Wanaagsan, Ummadda Soomaaliyeed maal kasta oo ay joogaan. Ilaahay ayaa mahad leh inaan maalintan weyn ee barakeysan aan nabad ku wada ciidno.

2016912636092487602889803img_5579

Waxaan munaasabadda ciidda awgeed hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan caalamka Islaamka, waxaana leeyahay Ciid Mubaarak meel kasta oo aad joogtaan.

20169126360926651812032782

Ciidul Adxa waa mid ka mid ah ciidaha waaweyn ee caalamka islaamka oo loo baahan yahay in ummaddu ay farxadda wadaagaan. Sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed farayaa inay sidii caadiga ahayd munaasabaddan isku naxariistaan oo kooda liita ay fadliga Ciidul Adxaa awgeed ugu kaalmeeyaan.

2016912636092488988179020img_5605

Nabadgelyada iyo farxadda aan maanta ku ciideyno waxay qeyb ka tahay guulaha aan ka gaarney dib u dhiska dowladnimadeena iyo soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, inagoo qireyna in wax badanna ay inoo dhiman yihiin.

2016912636092488472631614img_5598

Waxaa inagu soo fool leh shir madaxeed muhiim ah oo qabsoomidiisa ay ka tarjumeyso dib u soo noqoshada sumcaddii iyo sharaftii aan ku lahayn gobolka iyo caalamka intiisa kale. Waa markii ugu horaysey ee madaxda IGAD ku kulmaan Soomaaliya tan iyo markii la aasaasay 1986-kii.

20169126360926653712890383

Tallaabooyinka la qaaday ee lagu xaqiijinayo qabsoomidda shirkan waxaa ka mid ah adkeynta amniga magaalada Muqdisho.

 

Cadowga waxaa uu doonayaa inuu dalka ka lumiyo fursaddaasi dahabiga ah ee magaceena kor loogu qaadayo, sidaa darted waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay dulqaad u yeeshaan tallaabooyinka amniga lagu sugayo ee Muqdisho ka socda.

 

Waan dareemi karaa in tallaabadaasi ay culeys ku keeneyso shacabka, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in hawl kasta oo adag lagu bixiyo qiimi u dhigma waxa aan hiigsaneyno.

 

Guud ahaan dalka waxaa ka socda, dhowaana la xoojin doonaa hawlgalada cadowga looga sifeynayo goobaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Argagixisadu waxay dhiigga maatada ka dhigteen wax ay ku faanaan, waxaana hubaa in Ilaahay idankii aan warkooda mar dhow soo gabagabeyno.

2016912636092487602889803img_5579

Shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahad celinayaa sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan laamaha aamniga, waayo inta badan guulaha la gaarey suurtagal ma ahayn in la gaaro haddii aan shacabka laga helin gacan.

 

Dhanka kale doorashooyin taariikhi ah ayaa ka dhacaya dalkeena sannadkan, kuwaas oo aan dhammaanteen diyaargarow buuxa ugu jirno. Waqtigu waa ciriiri, laakiin waxaan idin xaqiijinayaa in madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada ay ka go’an tahay xaqiijinta inay doorashooyinkaasi qabsoomaan.

 

Doorashooyinkan waa tijaabo ama halbeeg uu caalamku ku tijaabinayo biseylkeena siyaasadeed iyo horumarka aan ka gaarney dib u soo kabashada, colaaddii dheereyd kadib. Haddii aan ku guuleysano doorashooyinkaasi waxay ka dhigan tahay Soomaaliya oo dhan oo guuleysatey, gobolka Geeska Afrika oo guuleystey iyo caalamka oo iyaguna guuleystey.

 

Doorashadu sideedaba waa loolan loogu tartamayo in Soomaaliya meesha ay taagan tahay horay loogu sii dhaqaajiyo. Musharax kasta oo xil u tartamayaa waa inuu maskaxda ku hayaa in hawsha sugaysaa ay tahay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed iyo inuu wax ka qabto baahiyaha kala duwan ee ay qabaan.

 

Dhegaha shacabka waxay u baahan yihiin in la maqashiiyo waxqabad, dib u heshiisiin iyo midnimo, waxaana musharixiinta kula dardaarmayaa inay iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh ee dadka kicin kara.

 

Sax ma ahan in qof doonaya inuu qabto xilka ugu sareeya dalka inuu jagadaasi ku raadiyo cay ama aflagaado uu u geysto dowladnimada. Dowladnimada aan maanta haysano waxan u soo marney halgan dheer iyo dadaal badan, mana qurxoona in hadaladii ay cadowga ku hadli lahaayeen inay ka soo yeeraan dad Soomaaliyeed.

 

Mar kale waxaan leeyahay walaalaha Soomaaliyeed ee doorashada galaya inay waddankooda aaminaan, ku kalsoonaadaan, una soo bandhigana shacabka barnaamij siyaasadeed ay ku kasban karaan kalsoonida Soomaalida.

Dib u heshiisiinta iyo midnimada dalka waa muhimadda koowaad ee aan ku soo shaqeyneynay afartii sanno ee la soo dhaafay, taas ayaana ugu weyneyd sababihii aan u abuurnay madasha hoggaamiyeyaasha qaranka.

Shirkeenii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacayna waxaan uga hadleynay maslaxadda ummadda Soomaaliyeed, waxaana marka la soo gabagabeeyo ka soo saari doonaa go’aamo muhiim u ah dowlad dhisidda Soomaaliya.

 

 

Somalilandpost.net