Muqdisho:Saddex qof oo Dil ku Xukunaa Oo Maanta Latoogtay

Muqdisho(SLPOST) Maxkamadda ciidanka Dowladda Federaalka ayaa xukun dil ah hore ugu ridey saddex nin oo ka tirsanaa ciidanka kuwaas oo dil lagu eedeeyey in ay geysteen.

DSC03446-400x300

Labo ka mid ah ragga maanta lagu togtey Muqdisho ayaa ka tirsanaa ciidamada Mileteriga Dowladda, halka kan kale ahaa ilaalada canshuuraha. Maxkamadda ayaa sheegtey in ay qirteen dilka ay geysteen.

Fagaaraha lagu diley ayaa ahaa mid loo daawasho tegey saxaafadduna ka qayb gashey, waxaana lagu xirey tiir dheer, iyaga oo indhaha ka xiran ayaa rasaas badan lagu ridey.

Dilalka caynkan oo kale ah ee lagu fuliyo fagaarayaasha ayaa dowladda loogu eedeeyey, inkasta oo dowladdu sheegtey in nidaamkan dilalka ciidanka dhexdooda ah uu ku yaraanayo.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland