Muqdisho: Wasiir Hadliye Oo Qaabilay Safiirka Jabuuti U Soo Magacawaday Somalia

Muqdisho (SL.Post) Wasiirka arrimaha dibada Somaliya Dr. Cabdisalaan X. Cumar Hadliye, ayaa maanta kaga guddoomiya Xafiiskiisa Nuqullo ka mid ah; Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Safiirka Cusub ee Dowladda Jabuuti u Qaabilsan Soomaaliya  Amasadoor Aadan Xasan Aadan.

 

2016986360892147534915211

Wasiirka arrimaha dibadda Somaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye iyo Safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.

 

 

Soomaaliya ayaa kaalin balaadhan ku lahayd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi  wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

 

 

Somalilandpost.net