Muqdisho: Warar Dheeraad ah oo laga helay Diyaarad Lacag Malaayiin Dollar ah sidday oo la Qabtay iyo Cidda ay u socotay

Muqdisho (SLpost)- Hawl-wadeennada madaarka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay lacag Malaayiin Dollar ah oo ay siteen dibloomasiyiin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta.

Lacagta oo Qaddarkeeda lagu sheegay $9,600,0000 (Sagaal Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar) oo ku jirtay Boorso nooca Dharka lagu qaato, ayaa saarnayd diyaarad laga leeyahay isla markaana ay saarnaayeen dibloomaasiyiin u dhashay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

lacgtaLacagtan ayaa la ogaaday kaddib markii tuhun ka dhashay baadhitaan lagu samayn lahaa diyaaradda oo ay horjoogsadeen dibloomaasiyiin ka tirsan safaaradda dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo sida la sheegay ku dooday inay leeyihiin xasaanad sidaa awgeedna aan la baadhi Karin diyaaradda iyo waxa ay siddo, taasina ay markii dambe sababtay baadhitaanka lagu ogaaday lacagtan, sida ay baahisay HOL oo soo xiganaysa ilo-wareedyo ay ka heshay shaqaalaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Ma jiraan xogo intaas dhaafsiisan oo faahfaahin ka bixinaya halka ay ku dambaysay lacagtan, haseyeeshee warar kale ayaa sheegaya in lacagtani u socotay Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo Mushahar iyo taageero dhaqaale ka hela dowladda Imaaraadka Carabta oo tabobar siisa Ciidamada dalkaas.

Sida ku cad waraaq ay heshay wabaaintu oo uu ku saxeexan yahay Taliyaha Ciidammada Xoogga Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Xuseen (Gorod), taas oo uu maamulka madaarka kaga dalbanayo inay Saraakiisha tabobarka Ciidamada u ogolaadaan una soo daayaan lacag ay kala baxayaan madaarka, isagoo lacagtaas ku sheegay inay tahay Mushaharka iyo Raashinka Ciidamada.

Lacagtan iyo tuhunkeeda ayaa ku soo beegmaysa iyada oo uu jaah-wareer siyaasadeed ka jiro Soomaaliya, gaar ahaan muranka ka taagan mooshinka xilka lagaga xayuubinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ay siyaasadda isku hayaan Madaxweynaha iyo Reysalwasaaraha Soomaaliya oo isku dhinac ah.