Muqdisho Qof Isa Soo Miineeyay Oo Maqaaxi Isku Qarxiyay

Muqdisho(SLpost)-Qof dhar isku joog ah ama suut ku labisan ayaa qarxiyay makhaayad ku taalada magaalada Muqdisho, ugu yaraan hal qof ayaana ku dhintay.

150328014626_somalia_hotel_attack_3_512x288_ap_nocredit

Waa markii saddexaad ee la weeraro makhaayadda Village oo ay inta badan tagaan ajaaniibtu. Ilaa iyo hadda cidina ma sheeganin weerarkasi, laakiin waxaa markiiba looga shakiyayb ururka Al-Shabaab.

Wariyayaal goobta ku sugnaa ayaa iyagu meesha iskaga kacay sida ay sheegeen kadib markii ay ka shaqkiyeen ruuxan dhalnyarada ah oo maqaaxida soo galay isaga oo labisan, inkasta oo dad badan ay goobta fadhiyeen hadana wali si rasmi ah looma shaacin dhaawacyada iyo dhimashada uu qaraxaasi sababay