Muqdisho Oo Lagu Qisaasay Rag Loo Haystay Dilkii Saado Cali Warsame

Muqdisho, (SLpost)- Maxkamadda milateriga dalka Soomaaliya ayaa maanta xukun qisaas ah ku fulisay laba nin oo loo haystay dilkii xildhibaanad fanaanad Saado Cali Warsame iyo masuuliyiin kale.Saado-cali-Warsame1

Maxkamadda milateriga ayaa xukunka dilka ah ee nimankan riday bishii hore ee sannadkan, kaasoo ay maanta fuliyeen qisaastiisa.

Kooxda Al-shabaab ayaa hore u sheegatay dilka xildhibaannad Saado Cali Warsame oo bishii todobaad sannadkii hore oo ahayd xilli ramadaan ah lagu dilay magaalada Muqdisho.

Saado Cali Warsame ayaa ahayd xildhibaannad ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, balse waxay ku caan-baxday fanka, iyadoo guud ahaan carriga soomaalida can ka ahayd, isla markaana ka mid ahayd kooxdii ugu faca weynayd ee hobollada Soomaaliyeed ee loo yaqaanay Waaberi.

Somalilandpost.net