Muqdisho: Nuxurka Qodobbada Laysku Af-gartay ee ka soo baxay Kulan Dhexmaray Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyey

Hargeysa (SLpost)- Gelinkii hore ee maanta waxa jir Al-baabadu u xidhan yihiin magaalada Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii xilka uga horreeyey oo xilligan ah hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee dalkaas.

In kasta oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kulankaas, waxa markii uu soo idlaaday saxaafadda la hadlay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Axmed oo hoggaamiya Madasha Xisbiyada Qaran, waxaanay faahfaahin ka bixiyeen qoddobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay qoddobadii laga wada hadley ee laysku af-gartay ay ku saabsan yihiin:

Doorashooyinka: Wuxuu sheegay in kulanka leysku afgartay in doorashooyinka ay ku dhacaan xilligoodii ayna dowlada iyo dhinacyada kale ee siyaasada dalkana ka qeybqaataan, kulamo kalana laga yeesho sidii waqtigoodii ay ugu dhici lahaayeen doorashooyinka.

Khilaafka Dowlad Goboleedyada: Arrinta Khilaafaadka waxaa leysku afgartay xalinta khilaafka u dhexeeya dowlada Federalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka oo aan la carabaabin,waxana la isku afgartay in wadahadal lagu xaliyo khilaafka ka jira  dowlada iyo dowlad goboleedyada dalka.

Dhowrista Dastuurka dalka: Waxaa laga wadahadlay arrimaha dastuurka iyadoo la isku raacay in la ilaaliyo dowlad,siyaasiyiin iyo shacab dastuurka dalka.

Qeybaha Ammaanka Dalka iyo Siyaasadda: Waxaa laga wadahadlay arrimaha amniga iyadoo labada dhinacba ay isla oggolaadeen in  aan la siyaasadeyn amniga dalka. Hay’adaha amnigana aysan siyaasada ku milmin oo ay  ciidamada iyo hayadaha amnigana ka madax banaanaadaan siyaasada dalka.

Metelaada Siyaasada ee Gobolka Banaadir: Ajandayaasha shirka waxaa kamid ahaa arrimaha gobolka  Banaadir,waxaana laga wadahadlay sidii dadka degen gobolka ay u heli  lahaayeen xuquuqdooda metelaada siyaasada dalka madaxweynuhu inuu raali  ka yahay ayuu sheegay.

La Dagaalanka Al-Shabaab: Waxaa la isku raacay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab, islamarkaana si wadajir ah looga shaqeeyo amniga dalka.

Dhinaca Dowladda Soomaaliya ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay madaxtooyada ee dhaxmaray hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

@HOL