Muqdisho: Madaxwaynaha Somaliya oo Xilkii ka Qaaday Taliyihii Nabad Sugida

madaxweynaha-somalia1
War qoraal oo kasoo baxay xafiiska madaxtooyada somaliya
ayaa lugu sheegay in madaxwayne xasan sheekh maxamuud xilkii
kaqaaday taliyihii hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka
Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Lama sheegin sababo faah faahsan oo xilka looga qaaday
balse waxa uu madaxwayne xasan sheekh sheegay isagoo adeeg
sanaya qodobada 87-aad iyo 90-aad ee ee axdiga KMG
Inuu tixgalinayo baahi loo qabo in waxlaga bedelo hogaanka
hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka qaran ee (NISA).
Madaxwaynuhu waxa uu si kumelgaadha ugu magacaabay hay’ada nabad
sugida s/guuto Cabdillaahi Gaafow Maxamed.

DHanka kale taliyaha xilka qaadista lugu sameeyayna waxa loo
magacaabay inuu noqdo La-taliyaha wasiirka wasaarada amniga gudaha.

Laga soo bilaabo tan iyo intii uu xilka hayay madaxne Xasan SHeekh
Hayada Nabad sugidu waxa ay yeelatay 5 agaasime oo u kala dambeeyay