Muqdisho: Dumar La Nool Xanuun Sidaha HIV- AIDS-ka Oo La Shaqaaleysiiyey

Muqdisho (SLPOST) – Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadamaha ee Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa qaaday talaabo dhiirigalin u ah dadka la nool cudurka halista ah ee HIV/AIDS, ka dib markii ay laba hablood oo dadkaasi ka mid ah wasaaradda shaqo ka siisay.

Wasiirka-Haweenka-Soomaaliya-214x300

Wasiirrada Wasaaradda haweenka ee Soomaaliya, Marwo Khadiija ayaa labadan hablood ee la nool cudurka AIDS-ka shaqaalaysiisay, ka dib kulan maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo dhex maray Wasiirrada iyo dadka la nool cudurkaasi halista ah ee la tacaalaya noloshooda.

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadashay gabagabadi kulankaasi ayaa tidhi “Annaga ka Wasaarad ahaan waan garab istaagaynaa, waana ka warqabaynaa, sida dadka kale ee ay xaquuqda u helaan ayay dadka xanuunka la nool ay xaq ugu leeyihiin, waxaana ku baraarujinayaa dadka la nool xanuunka cudurkan inayna qarsan, dowladduna waxa ay u taagan tahay inay wax u qabato bulshada”

Somalilandpost.net

office/Hargeysa/Somaliland