Munaasibado lagu Weynaynayo HABEENKA Leylatul Israa Wal-Micraaj oo la qaybtay iyo Masuuliyiin ka Qayb-gashay

Hargeysa (SLpost)- Munaasibado lagu weynaynayo Habeenka Laylatul Al-israa Wal-Micraaj oo ah Habeenki Nabi Muxammad (NNKH) la dheelmiyey, ayaa maanta laga xusay gobollada iyo degmooyinka dalka, gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Hargeysa oo xaflado loogu dabbaal-dagayo lagu qabtay.

Munaasibad maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa oo lagu weynaynayo Xuska Qiimaha leh ee LAYLATUL ALL-ISRAA-WALLMICIRAAJ,waxa waxa Qaban-Qaabadeeda Qayb weyn ku lahayd Jimciyada Waxbarashada Diinta iyo Qaban qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga ah Iyo Horumarinta Bulshada ee JIMCIYATUL AXBAAB, waxaana ka qayb-galay Masuuliyiin kala Duwan Culimo u Diin, Madaxdhaqmeed iyo Marti sharaf kale.

Munaasibadan ayaa waxaa ugu horeyn khudbad ka jeediyey Sh.ismaaciil Xasan faarax oo ku dheeraaday Qiimaha Habeenkii la dheelmiyey Nabigeenii Suubanaa ee Muxamed (NNKH)iyo Mucjisooyinkii iyo aayaadkii Nabigu soo arkay Habeenkaasi.

xaflad“Waxaynu tilmaamaynaa wakhtiga uu dhacay habeenkani iyo sababta uu ku yimid in Nebiga la dheel-miyaa, habeenka ILLAAHAY Nebiga casuumay waxay ahayd 27-ka bisha Rejab, waxaanay ahayd habeen Isniin ah, waxay sababtu ahayd oo uu Allaah u casuumay Nebiga, ummaddii Islaamka ahayd ee Maka ku sugnayd ee Nebigu (C.W.S), Madaxda u ahaa cidhiidhi bay ku jirtay wakhtigaa, waxaana sannadkaa Nebiga (NNKHT) la dheel-miyey loo bixiyay sannadkii murugada,” ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Xasan Faarax, isagoo intaas ku daray, “Murugadaasna waxa keenay saddex arrimood, Xaaskiisii Khadiija oo wixii uu Nebigu dhibaato dibedda kala soo kulmo ka caawin jirtay oo dhiirrigalin jirtay ayaa dhimatay, Addeerkii Abu-daalib-na wuu dhintay, saddex ayaamood ayay kala dambeeyeen. Markaas, ayay Nebiga (CSW) ku sii badatay dhibkii Gaallada, maaddaama oo ay labadii qof ee difaaci jiray dhinteen.”

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee ucid Eg Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in Dad Neceb diinta suuban ee nagibeena ay usoo tafaxayteen Sidii Ay dadka u kala lumen lahayeen waxaana uu culimada u soo jeediyay in Ay isku mideyeen Sidii Ay u difaaci lahayeen Diinta ilaahay ee u baahan sida uu cadeeyay in laga ilaaliyo cadaw-yada badan ee hadheeyay sidii Ay fidmo uga dhex abuuri lahayeen culimada iyagu u taagan sidii ay u xanbaari lahayeen Diinta Ilaahay.”

Xildhibaan Sheekh cali ayaanle ayaa isna ku dheeraaday muhiimadda ay maalintani u leedahay Muslimiinta Adduunka, waxaanu yidhi, “Dhamaanteen Waxan halkan u fadhinaa iyadoo ay inaga run tahay in aan waynayno Rasulkenii Subanaa (N.N.K.H) haddaba waxa weeye in aan marwalba ku celelino hadal haynta Rasuulkenii Subanaa(SCW,Rasuulkeenii waxaa u yimid Cali oo waxa uu ku yidhi Rasuul Allow Xaaskayga Caruurtayda iyo Waalidiintaydaba Marka laga reebo naftayda waan ka jeclahay Markaasu Rasuulku ku yidhi, wali iimaankaagu taam maaha markii dambe ayuu ku yidhi Naftaydana waan kaa jeclahay Rasuulku markaasu yidhi imikaa iimaankaagu taam yahay markaa waa inay maxabada rasuulku halkaa inaga gaadhaa inagana,”ayuu yidhi Xildhibaan Ayaanle.

Munaasibado sidan oo kale loogu xusay Maalinta, ayaa ku qabsoomay magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo ay ka qayb-galeen culimo tiro badan iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana halkaas laga qaaday Qasiidooyin iyo Ducooyin lagu xusay Nebi Muxammad (NNKHA).