Munaasibadda Ciidal-Fidriga oo si ballaadhan looga Oogay dhammaan gobollada iyo Degmooyinka Somaliland (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Munaasibadda Ciidal-fidriga oo guud ahaan laga maamuusay dunida Muslimka maanta, ayaa si ballaadhan looga dabbaaldegay gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Caasimadda Hargeysa iyo dhammaan magaalooyinka waawayn ee Somaliland oo si ballaadhan looga xusay Ciidal Fidriga, ayaa kumanaan dadweyne ah oo isugu soo baxay garoomada kubbadaha iyo masaajidada kala duwan waxa tukashada salaadda ciidda kala qaybgalay masuuliyiinta heer qaran, gobol ilaa degmo oo khudbado kala duwan u jeediyey.

ciidal-fidri_Saylici_HargeysaMagaalada Hargeysa oo sida ugu wayn looga oogay munaasibadda Ciidal Fidriga oo dadweyne iyo carruur aad u fara badan oo ku lebisan dhar bilicsan isugu soo baxeen jidadka iyo goobaha salaadda lagu tukudo ee garoomada waawayn ee kubbadaha iyo masaajidada, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Saylici, wasiirrada xukuumadda iyo madaxda kale ee qaranku la tukadeen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa dadweynaha kula tukaday salaadda ciidda masjid-jaamaca Hargeysa ee badhtamaha magaalada ku yaal, isagoo halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaaladda dalka iyo arrimo caalamka ku saabsan.

Ciidal-fidrigaSidoo kale, wasiirro xukuumadda ka tirsan, xildhibaanno Baarlamanka ka mid ah iyo masuuliyiin kale, ayaa iyaguna shacabka kula tukaday garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium, halkaas oo qaarkood kala hadleen.

Sidoo kale, magaalooyinka waawayn ee xarumaha u ah gobollada dalka sida Boorama, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood, Gabiley, Balligubadle, Oodweyne iyo Caynaba iyo weliba degmooyinka kale, ayaa guud ahaan si wayn looga dabbaaldegay munaasibadda iyo salaadda Ciidal Fidriga, iyadoo magaalo walba dadweynaha ay kala qaybgaleen tukada salaadda madaxda heer gobol oo iyaga iyo culimaduba khudbo kala duwan u jeediyey shacabka.

ciidal-fidri burcoGuud ahaan shacabka oo muuqaalkooda iyo shucuurtoodaba ay ka muuqatay farxadda iyo damaashaadka ay ku maamuuseen Ciidal Fidriga oo ay hambalyo iyo duco ku wajahan munaasibadda iyo dhammaadka bishii barakaysnayd ee Ramadaan isku salaamayeen, isla markaana tukashada salaadda kadib bilaabay booqashooyin ay isugu tagayeen asxaab, qaraabo iyo jiiraanba.

Dabbaaldegga maalinta koowaad ee Ciidal Fidriga sannadkan ayaa si nabad-gelyo ah ku qabsoontay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

ciidal-fidriMunaasibadda dabbaal-degga farxadda Ciidal-fidriga, ayaa sannadkan ku soo beegmaysa Markii u horeysay ee Madaxweyne Siilaanyo dalka dibaddiisa ka maqan yahay muddada Afarta sanno ee uu hoggaaminayey talada dalka, waxaanu sannadkan farxadda Ciidal-fidriga la qaybsaday shacabka Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London oo uu goob-fagaare ah kula salaadda Ciidul-fidriga kula tukaday shacabka.

SOMALILANDPOST.NET