Munaasibad Xisbiga Kulmiye u Qabtay Soo-dhawaynta Maayarka Berbera oo Mar kaliya isu Dhalan-rogtay Weji ka geddisan Ujeeddadii loo Abaabulay

Berbera (SLpost)- Munaasibad Ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayay Siyaasaayada Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa manta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Berbera

Munaasibaddan oo markii hore ujeeddadeedu ahayd soo-dhawayn xisbiga Kulmiye u samaynayey maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ka soo baxay Xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa mar kaliya iska beddeshay ujeeddadii loogu talo-galay markeedii hore.

Xafladan ayaa waxa ka soo qeybgalay Wasiirada Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed  Daahir (Cukuse), Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali (Cadami), Agaasimaha guud  Wasaarada Kalluumeysiga Maxamed Cilmi Aadan (Maxamed Ilkacase), Wasiir kuxigeenka Wasaarada Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Wasiir ku xigeenka amniga Somaliland Cabdilaahi Abokor, Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed,Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel, Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Gadheer, Qaar ka mida Xildhibaabada Golaha Wakiillada Somaliland, Ganacsato, Aqoonyahan, odayaal, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne), Salaadiin, boqolaal ka mida dadweynaha reer Berbera oo isugu jira haween, dhalinyaro, Waayeel iyo marti-sharaf kale.

IMG_0064Munaasibadan oo markii hore loogu talo-galay in xisbiga Kulmiye soo dhaweeyo maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) iyo xildhibaan Cabdirashiid oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Berbera oo lagu waday inay ka soo diga-rogtaan Xisbigooda UCID, ayaa mar kaliya isu dhalan-rogtay weji cusub oo ka duwan sidii markii hore warka lagu hayey.

IMG_0327Maayarka Berbera iyo Xildhibaan Cabdirashiid, ayaa madasha ka shaaciyey inaanay ka baxayn xisbigoodii UCID ee ay ka soo baxeen, balse ay la shaqaynayaan isla markaana ay qaateen siyaasadda Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, taageereeyaashoodiina ay ku wareejiyeen Xisbiga Talada haya.

IMG_0056Maayarka Berbera Cabdishuur Ciddin oo munaasibaddaas ka hadlay, ayaa yidhi,  “Taageerayaashayadii waxaanu ku wareejinay Xisbiga KULMIYE, siyaasada Xisbiga KULMIYE-na inaan ku shaqeynayno waanu qaadanay, laakiin annagu waxaanu ka tirsanay Xisbigayagii UCID,” ayuu yidhi Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxaynu taageeraynaa oo aynu raacayna Siyaasada Xukuumada, UCID-na waa UCID, Xildhibaana waa Xildhibaan, sidii aan uga tirsanaa Xisbiga UCID ayaan uga tirsanaanayaa, laakiin xukuumadda ayeynu taageeraynaa.

IMG_0042Waxaan madashan ka caddeynayaa oo aan leeyahay magacii ha jiro, hoggaamiyihii aragtida dheera ee Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), dhamaanteen reer Berbera waxay wada qirayaan, dhamaan dawladu waxay qireysaa, dhamaan Xisbiyadu waxay qirayaan Cabdishakuur iyo Ciidankiisu waxay yihiin, isagu (Ramaax) waxa uu ogaa oo u arkayey oo u muuqday inaan meel cidla ah la dhigeyn xilkaas maanta Cabdishakuur qaaday, waanan u mahad-celinayaa. ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inuu naga dhigo kuwa wanaagga lagu saadaaliyo,” ayuu yidhi Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin.

IMG_0001Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Waxaan ahay Xildhibaankii ugu codka badnaa ee ka soo baxay Gobolka Saaxil, sababta oo ah aniga qabiil ima dooran ee reer Berbera oodhan ayaa I doortey, wixii ay ii doorteena way arkayaan wax ka badanna waan gaadhsiinayaa Insha Alaahu.

IMG_0367Waxa Siyaasadaydii bedelay waxa weeyaan, waxa igu kalifay inaan imaado Golaha deegaanka Berbera waxa weeyaan maadama aanan Xagaaga iyo Jilaalka toona ka bixin iyo wakhti kasta-ba Berbera, inaan duruufta maanta haysata ka beddelo oo aan nolol fiican u horseedo. Noloshii aan u horseedayey iyo himiladii aan lahaa iyo go’aankii aan qaatey Xukuumada Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) siyaasadeydii waxay noqotey Siyaasadiisi. Maalintii aan xilka Maayarnimo la wareegay waxa uu  igu hambalyeeyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka iyo masuuliyada aan qaaday, waxaanu ii sheegay Xisbi mucaaridka aan ka soo baxay (UCID) inaanu ahayn mid marnaba wax u dhimaya inuu igu farogeliyo ama uu igu waxyeeleeyo ama uu culeys igu saaro xilka aan umadda u hayo.”

IMG_0410“Waxaan ka helay Siyaasada dawladda ee uu hogaanka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qalbi furan oo ku saleysan himilada iyo hanka maskaxdeyda ku jira, kaas oo ah inaan horumar gaadhsiiyo Gobolka Saaxil,siiba degmada Berbera, Maadama ay is-waafaqeen hankeena iyo ujeeddada aynu leenahay, macna Alla macno ay tareysaa Mucaarid ayaan ahay oo aniga meesha ii taalaa ma jirto, sababta oo ah wixii aan qaban lahaa ayaa imika la ogol-yahay inaan qabto, haddii culeys iyo dhibaato iga heysato dawladda nin qarsada ma ihiye, reer Berberoow waad iga arki lahaydeen sow maaha? Waxaad markhaati ka tihiin in shaqada aan hayo goob-kasta inaan istaago oo aan si hagar la’ana aan u qabto oo cid iga hor istaagtaana aanay jirin,” ayuu yidhi Cabdishakuur Ciddin, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaa aan qabto oodhan, sharafteeda, karaamadeeda iyo magaceeda waxa isla leh dawlada imika talisa ee uu hormuudka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),” ayuu yidhi Maayarka Berbera Cabdishakuur.

IMG_0394Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Yuusuf oo ka mida mudanayaasha Golaha deegaanka Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay qaateen Siyaasadii Xisbiga KULMIYE oo ay la shaqeynayaan, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Waxaan marka hore u mahadnaqayaa taageerayaasha balaadhan ee halkan soo buuxiyey,masuuliyiinta Somaliland waa laba qeybooduun, qof la doortey iyo qof la magacaabay,qofka haddii la doortey waa hogaamiye Siyaasadeed oo isaga ayaa hogaaminaya bulshadii dooratey, kolba meesha uu dan u arko ayuu ku jiheynayaa.

IMG_0370Anigu Cabdirashiid ahaan runtii fikirkan aan maanta qaatey oo aan odhan karo waa go’aan siyaasadeed oo dhaxal-gala, waxaan u qaatey dantii bulshadii I soo dooratey, dan aniga ii gaara u maan qaadanin, waanay ku mahadsan yihiin haddii ay igu raaceen, kolay shir-doceedyadana wixii danbena waanu bddin doona.” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “UCID waa laba, midi waa tii Faysal, annagu UCID-da cusub ayaanu ahayn oo doorashadii Golaha deegaanka ayaanu galnay aniga iyo Cabdishakuur. Annaga oo tixgelinayna shuruucda waddanka waxaan doonayaa inaan maanta laga bilaabo idhaahdo Muuqeyguna waa UCID maskaxdeyduna waa KULMIYE, sharci igu qabanayaana ma jirro, taageerayaasheyda iyo cidd-kasta oo iga tallo qaata-ba waxaanu garanay inay ku biiraan Xisbiga KULMIYE oo ay la shaqeeyaan.”

IMG_0287Mar uu Xildhibaan Cabdirashiid la hadlayey Xisbigii UCID ee uu kaga soo baxay Xildhibaanimada Golaha deegaanka Berbera, waxa uu yidhi “Soomaalidu waxay ku maah-maahda nin Faras dabadii ka dagey meel u dhaanta ayuu u waayey, qolada UCID-na waxaan leeyahay, ninkii waxa uu yidhi ‘Inan-yahay kala tagnee sheeg-sheegeen hadhan, anigu waxba ka sheegi maayo UCID waa Xisbigii aan ka soo baxay ilaa imika ayaan ka mid ahay, waanan ka mid ahaan doona, Laakin KULMIYE ayaan la shaqeynayaa cidina iguma qabsanayso.”

IMG_0383Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan soo dhaweynayaa, kuna hambalyeynayaa Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdirashiid inay garteen inay Siyaasadoodii wax ka bedelaan oo ay siyaasadii Xisbiga KULMIYE qaataan oo ay taageerayaashoodina ku soo wareejiyaan,waxaanu idin leenahay waanu idin soo dhaweynaynaa oo waanu idinka gudoonay, wanaan idinla shaqeynaynaa sidii aan horeba idinla shaqeyn jirnay…Waxay arkeen Cabdishakuur iyo Cabdirashiid waxay arkeen inay mucaaridnimadii isugu soo hadhay xaasidnimo iyo inaan horumar la sameynin inta ay waayeen wax ay mucaaridaan.”

IMG_0242Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey go’aanka ay qaateen Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid, isaga oo ku hambalyeeyey inay la shaqeeyaan Xisbiga KULMIYE siyaasadiisiina qaataan. Md. Cadami waxa uu ka markhaati kacay waxqabadka iyo horumarka uu Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) uu gaadhsiiyey muddadii uu xilka Maayarnimo hayey.“Waxaan ku soo gebogabeynayaa inay runtu ka xoog roonaato beenta la sheegayo,” ayuu yidhi Wasiir Cadami.

IMG_0086Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ku bogaadiyey Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Xildhibaan Cabdirashiid inay qaataan Siyaasada Xisbiga KULMIYE, isla markaana ay taageerayaashoodiina ku soo wareejiyeen Xisbiga KULMIYE.

IMG_0068Guddoomiyaha Xisbiga  KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo isaguna halaas ka hadlay ayaa ku hambalyeeyey Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xaaji Yuusuf inay qaataan Siyaasada Xukuumadda KULMIYE ee uu ku hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo, taageerayaashoodana ay ku wareejiyaan Xisbiga KULMIYE.

IMG_0217Munaasibaddan oo Xisbiga Kulmiye u qaban-qaabiyey inuu ku soo dhaweeyo Maayarka Berbera Md Cabdishakuur Ciddin iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed oo ku-talogalkoodu ahaa inay ka digo-rogtaan xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID, ayaa suurto-gal noqon weyday, waxaana qorshahaas horjoogsaday xeerka Axsaabta Qaranka iyo dooorashooyina ee Xeer Number 14 oo tilmaamay inaanay xildhibaannada goleyaasha deegaana ku biiri Karin xisbi kale isaga oo xisbigii uu ka soo baxay weli jira oo shaqaynayo.

SOMALILANDPOST.NET

Berbera, Somaliland