Munaasibad Mug Leh Laguna Xusay Afka Hooyo Oo Qalinleyda PEN Ku qabatay Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayay Afka  hooyo ee Soomaaliga ayaa xalay lagu qabtay Maansoor Hotel taas oo ay ka xaadireen wasiirro, masuuliyiin, fannaaniin, jileyaal, qoraayo, abwaanno, Xubnaha PEN, macallimiin, saxafiyiin, arday iyo boqollaal dadweyne ahi. Dhacdadan oo sannad walba loo dabbaal-dego ayaa waxa soo qabanqaabiyay Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaalida (SOMALI PEN) Qaybta Somaliland. Xafladdan oo uu furay Siciid Maxamuud Gahayr ayaa ugu horreyn sheegay Ujeeddada Madasha, una Mahad-naqay dadka wakhtigooda u soo huray. Quraankana waxa ku furay Kamaal Xasan Isaaq.

Sidoo kale fannaaniinta iyo jilayaasha qaranka ee Ubax Daahir (Fahmo), Guulane, Maxamed Maxamuud Cige (Busi), Maxamuud Xuseen Qaalib (Waddani) iyo Madad Sheekh Ismaaciil oo ay weheliyaan kooxaha dhaqanka iyo Somaliland Circus ayaa ku soo bandhigay heeso uu allifay Abwaan Axmed Aw Geeddi, majaajillooyin, ciyaaro-dhaqameed iyo qalaama-rogad ah ay ka heleen dadkii madasha goob-joogga u ahaa.

OLYMPUS DIGITAL CAMERABilawga khudbahada masuuliyiinta waxa ka hadlay Sacdiya Muuse Axmed oo ah Xoghayaha Somali Pen ee Xafiiska Haweenka, aasaasayaasha  iyo Guddiga Fulinta ee PEN ayaa ka warbixisay Taariikhda iyo Waxqabadka Somali Pen. Farduus Siciid Dirir Guddoomiye ku-xigeenka SOMALI PEN ayaa ka faallootay doorka Somaliland ee Somali Pen gaar ahaanna shirkii lagu xusay afartan-sanno guurada qoraalka farta Soomaaliga oo ay Somaliland ka tageen qoraayada iyo hal-abuurrada ugu badani kaasoo kal hore Jabuuti lagu qabtay.

Cali Siciid Raygal, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa da’yartaa kula dardaamay inay afkooda horumarkiisa ka shaqeeyaan. Wasiirka Qorsheynta Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay inuu ka mid ahaa aasaasayaasha PEN isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu munaasinaddan kaga qaybgalo Hargeysa. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee S/Land Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa ballan-qaadday inay furayaan Akadamiyadda Dhaqanka iyo Suugaanta oo door weyn ka geystan doonto erey-bixinta iyo horumarka Afka Soomaaliga. Wasiirka Ganacsiga C/Risaaq Khaliif Axmed iyo Qoraa C/Naasir Dheeg Ciise ayaa iyaguna munaasibadda ka hadlay, waxa sidoo kale munaasibadda ka qaybgalay Axmed Muxumed Madar Guddoomiyeha Haayadda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Qoraa Khaalid Jaamac Qodax, Abwaan Axmed Aw Geeddi, Abwaan Yaxye Yeebaash iyo marti-sharaf kale.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame oo soo gunaanaday munaasibadda ayaa ka warramay sooyaalka uu soo maray afka Soomaaligu iyo sida ay u dhalan-doorinayaan luqadaha ajnabiga ah ee dadku adeegsadaan, waxaanu afka Soomaaliga ku tilmaamay hanta aynu leennahay una baahan inaynu heegan u ahaanno.