Munaasibad loo qabtay Xuska sannad-guurada 1aad ee Wargeyska Himilo oo kulmisay siyaasiyiin Mucaarad iyo Muxaafadba leh iyo weedhihii laga jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Wargeyska madaxa-bannaan ee Himilo, ayaa u dabbaal-degay sannad-guuradiisii 1aad oo ee ka soo wareegtay Dib-u-curashadiisa oo 28-kii December 2014-ka ee Axaddii maanta ku beegnayd, waxaana munaasibad xuska sannad-guuradiisa loogu qabtay Hotel Crown ee Hargeysa ka qayb-galay Wasiirro Xukuumadda ka tirsan, Madaxda Xisbiyada Qaranka, Hoggaanka cusub ee Ururka SOLJA, Maamulka iyo Hawl-wadeennada Wargeyska Himilo, Xubno ka socday Ururrada bulshada, Suxufiyiin iyo Marti-sharaf kale.

2aadWargeyska Himilo oo markii u horeysay magaalada Hargeysa laga aasaasay sannadkii 1997-kii balse aanu cimrigiisu sii raagin, ayaa muddo toban sanno ka badan oo saaxadda warbaahinta uu ka maqnaa, waxa mar kale dib looga aasaasay magaalada Hargeysa isla markaana caddadkiisii u horeeyey soo baxay isaga oo muuqaal cusub wata 28-kii December 2013-kii oo laga joogo muddo hal sanno ah.

Munaasibadda maanta loo qabtay xuska sannad-guurada 1aad ee dib-u-curashada Himilo, ka qayb-galay isla markaana hadallo isugu jiro hambalyo ku socoto Bahda Himilo Media Group, caqadaha ku gedaaman saxaafadda dalka iyo sida looga samato-bixin karo, talooyin iyo dar-daaran ku socda warbaahinta dalka iyo Shacabka Somaliland ah ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Teknoolajiyadda Cali Xaamud Jibriil, Guddoomiyaha Golaha Dhexe Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel), Guddoomiyaha Cusub ee SOLJA Maxamuud Jaamac (Xuuto), Odayga Bahda Saxaafadda Somaliland Xuseen Cali Nuur iyo Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Qareennada Somaliland Xasan Cali Xasan Banfas.

1aadWaxa ugu horeyn munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha warbaahinta Himilo Media Group oo Wargeyska Himilo qayb ka yahay Madar Cabdi Axmed oo sharraxaad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray geeddi-socodkii wax-qabad iyo wax-soo-saar ee muddadii halka sanno ahayd ee Wargeysku shaqaynayey, waxaanu xusay dedaal badan iyo caqabado ka hor yimi muddadaas ka dib in isaga iyo Hawl-wadeennada ka hawl-gala Wargeyska Himilo iyo guud ahaan Warbaahinta Himilo Media Group ay u suurto-gashay inay ka midho-dhaliyaan dhismaha hay’ad warbaahineed oo ku hawl-gasha dhex-dhexaadnimo, hufnaan, war-tebin xaqiiqo ah isla markaana muddadaas kooban ee ay jirtay kasbatay shacbiyad badan oo ku qancay dhex-dhexaadinimo iyo masuuliyad war-tebineed oo muddadii uu Wargeysku jiray lagu bartay.

“Wargeyska Himilo waxa uu u shaqeeyaa qaab madaxbannaan, kana madhan feker iyo farogelin shaqsi, koox, urur, xisbi, qabiil iyo sidoo kale dad wata dano gaar ah, muddadaas uu soo baxayayna waxaa uu ku shaqeeyey si dhexdhexaad ah, madaxbannaan oo waafaqsan anshaxa mihnadda saxaafadda iyo xeerarka u yaal dalka,” sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Wargeyska Himilo oo sharraxayey siyaasadda Wargeyska.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee aanu baahinno, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland.”

Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Ruug-caddaaga Saxaafadda Somaliland ayaa madasha ka jeediyey talooyin la xidhiidha gudashada waajibaadka suxufinimo iyo dabbaqaadda asluubta habboon mihnadda saxaafadda uga jeediyey dhammaan warbaahginta dalka .
“Waxaad Suxufiyiin wax arkaysa, wax maqlaysa, wax faalaynaysa, wax falan-qaynaysa, wax ka sheegaysa wax kastaaba waxa ay yihiin. Ogaada inaad Suxufiyiintiinani noqon kartaan hubka ugu khatarsan ee dalka baabiin kara, ogaada inaad noqon kartaan hubka ugu wanaagsan ee waddanka dhisi karaya. Waxa la yidhaahdaa saxaafaddu waa awoodda Afraad, maxay ku noqotay awoodda Afraad? Saddexda kaleba haddii ay khaldamaan ciddii sixi lahayd adiga (Saxaafad) weeyaan. Waa inaad noqotaan siyaasiyiin laakiin aydaan siyaasadda ku dhex-milmin, inaad culimo noqotaan, culimada laf-ahaantooda hadday khaldan yihiin inaydaan ku dhex-milmin. Wax kasta oo la yeelo umaddan idinkaa ka wakiil ah, xukuumaddan idinkaa u wakiil ah, axsaabtana idinkaa u af ah,” Sidaas ayuu yidhi Xuseen Cali Nuur.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Aasaasihii ugu horreeyey ee dhidibbada u taagay magaca Wargeyska Himilo Axmed Sandon oo mulkiyadda iyo magacaba Wargeyskaba ku wareejiyey Guddoomiyaha wakhtigan ee Wargeyska Madar Cabdi Axmed, waxaanu faahfaahin ka bixiyey wakhtigii la aasaasay, duruufihii uu kala kulmay iyo sababihii horseedka u noqday inuu albaabada u laabo Wargeyska oo muddo toban sanno ah saaxadda Warbaahinta ka maqnaa ka hor intii aanu mar labaad dib-u-curan Himilo oo markii u horeysay muddo sannado ah caddadkiisii u horreeyey uu soo baxay 28-kii December 2013-kii.

himilo (1)Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Maxamuud Jaamac (Xuuto) oo halkaas ka hadlay, ayaa qodob-qodob u taabtay duruufo wakhtigan ku gedaaman hay’adaha warbaahineed ee dalka gaar ahaan Wargeysyada oo uu xusay inay u baahan yihiin taageero dhaqaale iyo mid xirfadeedba, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin caqado ka hortaagan Wargeyska dalka inay farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan la mid noqdaan warbaahinta dhiggooda ah ee caalamka ka jirta. Waxaanu guddoomiyaha SOLJA ballan-qaaday inay isbeddel ku samayn doonaan qaabka wax-soo-saar ee Wargeysyada dalka oo uu xusay inay qayb ka tahay wax-qabadyada Ururka SOLJA ee sannadka soo socda, balse guddoomiyuhu ma xusin nooca isbeddel ee u qorshaysan inay ka taageeri doonaan wax-soo-saarka hay’adaha warbaahineed gaar ahaaneed Wargeysyada.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday caqadaha ku gedaaman warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka gaar ahaan Wargeyska, kuwaas oo uu shegay inay isugu jiraan qaar warbaahintu horseed ka tahay iyo duruufo ay kala kulmaan bulshada. Guddoomiye Jaamac waxa uu ka deyriyey saamaynta qabyaaladdu ku yeelatay bulshada dhexdeeda iyo doorka warbaahintu ka qaadato dhiirri-gelinteeda, waxaanu soo jeediyey meel looga soo wada-jeesto dabar-goynta qabyaaladda iyo suulinta codka cid kasta oo magac qabiil oo aan lagu metelin ku qadhaabata.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dhibaatooyinka haysata warbaahinta dalka ku soo koobay caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale la’aan dalka jirta, duruufo aqooneed ee Xirfadda Saxaafadda iyo waddaniyadda oo uu xusay inay meesha saartay ilaalinta danaha Qaranka, isaga oo tusaale u soo qaatay arrimo uu inta badan kaga hadlo kuna difaaco danaha siyaasadeed ee Qaranka, balse warbaahinta inteeda badani ka tixgeliso tebinta qodobbada xambaarsan dhaliilaha uu xukuumadda u jeediyo.

Guddoomiyaha UCID waxa uu talooyin iyo dar-daaran u jeediyey Warbaahinta dalka oo uu uga digay inay dibadda u saaraan Siraha Qaranka iyo khilaafaadka gudaha ah ee xalkooda si hoose loo dhammaysan karo. “Arrimo gaar ah oo gudaheenna ah ayaynu ka sii deynaa warbaahinteenna. Marka aynu faanno ee aynu nidhaahno nidhaahno dawladbanu dhisannay, nabad baanu keennay, waxa laynagu dilayo iyo rasaasta laynala dhaco waxa laga helaa saxaafaddeena, markaa waxaan leeyahay wixii inoo hoos ah, yaan dibadda loo soo saarin.” Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Gunaanadkii munaasibadda, waxa soo af-meeray Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka Md Cali Xaamud Jibriil oo ugu horeyn bahda Himilo ku hambaleeyey xuska sannad-guurada 1aad ee Wargeyska Himilo, waxaanu wasiirku ku dheeraday muhiimadda ay dhismaha Saxaafaddu u leedahay horumarinta aqooneed iyo wacyi-gelinta bulshada. “Saxaafadda waxa loogu talo-galay inay muraayad u noqotay bulshada iyo xukuumadduba oo laga dareemi karo laguna soo bandhigi karo hadba wixii dhiman ee baahideedu jirto. Saxaafaddu caqliga shacabka iyo ka Xukuumaddaba way korisaa, waxaanay soo bandhigtaa wixii xaqiiqo ah ee jira,” Sidaas ayuu Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Tiknoolojiyadda Md Cali Xaamud Jibriil ka sheegay munaasibadda loo qabtay xuka sannad-guurada 1aad ee dib-u-curashada Wargeyska Himilo.