Munaasibad lagu xusay Hawl-galkii Birjeex ee Sannadkii 1983 lagula baxay Marxuum Cabdilaahi Askar oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysa, 11 April, 2012 (SLpost)- Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf oo ay weheliyaan Wasiirada Wasaaradaha Warfaafinta Mudane Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo Caafimaadka Dr Xuseen Maxamuud Maxamed ayaa Maanta ka qayb galay munaasibad loo sameeyay Geesiyadii ku suntanaa hawlgalkii Birjeex ee lagula baxay alle ha u naxariistee Marxuun Cabdilaahi Askar oo ku astaysnaa 12 bishii April 1983-kii.

Munaasibadan oo lagu qabtay huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa waxaa soo qaban qaabiyay ehelkii uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun C.laahi Askar, waxaa kale oo ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafnta Faysal Cali Sheekh, Mujaahidiin ka tirsan Ururkii SNM ee Xoreeyay Wadanka iyo Marti sharaf kale .

Marxuum Muj. Cabdilaahi Askar Barkhad, 1990kii

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Boobe Yuusuf Ducaale ayaa si qoto dheer u sharaxay Xusuustii ay Maalintaasi ku lahayd Ururkii hubaysnaa ee SNM iyo Taliskii Siyaad bare, waxaanu xusay in hawl galkaasi uu magacii Ururkii SNM kor u qaaday isla markaana uu dheg xumo u soo jiiday rajiimkii ka soo horjeeday.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu tilmaan ka bixiyay in Mujaahid Ibraahin Koodbuur iyo Geesiyaal kale oo la Socday ay Maalin cad ugu badheedheen inay Mujaahid Cabdilaahi Askar  kala baxaan Miiska Saraakiisha taas oo uu ku sifeeyay arrin taariikhda halgankaas qayb weyn ka qaadanaysa

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu hoosta ka xariiqay in nidaamkii Maxamed Siyaad bare aanu reer ahayn hasa yeeshee waxa uu ahaa ayuu yidhi Keli talis caadaystay dhiiga ummada waxaanu ku booriyay dadka qaar inaanay dhibin ka waranka taariikhda halgankii hubaysnaa ee SNM horseedka ay ka ahayd.

Wasiirku Waxaa kale oo uu ka hadlay inaanu jirin xukun ay SNM hayso oo ay Cid gaar ah ku duudsiyayso waxaanu intaas ku daray in Somaliland ay ka abuurmeen hanaan dimuquraadi ah oo qof kastaa xaqiisa distooriga ah wax ku dooran karo laguna dooran karo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ahayd mucjiso mar la arag ah in dhawr mujaahid ay go’aansadaan sidii ay Miiska Saraakiisha oo Cudud Ciidan ay dul hoganaysay isla markaana ay kala baxeen Alle ha u naxariistee Mujaahid C.laahi Askar waxaanu ilaahay uga baryay dhamaanba intii ku geeriyootay halgankaas hubaysnaa ee SNM inuu naxariistiisa jano ugu deeqo ummada Somaliland ee ay ka baxeena Samir iyo iimaan ka siiyo.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cali Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa cadeeyay baahida loo qabo sidii loo qori lahaa taariikhda ururkii SNM,waxaa kale oo gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladu waxa uu xusay in dhacdada lagula baxay C.laahi Askar ay fashilisay Xus balaadhan oo ay lahaayeen Ciidamadii la odhan jiray Xooga dalka Somalia ,oo sannad kasta la qaban jiray 12 bisha April isla markaana ku talo galkoodu ahaa inay ku soo bandhigaan Mujaahid C.laahi Askar .

Ujeedada Munaasibadan ayaa salka ku haysay sidii loo weynayn lahaa Hawl galkii Guda galka Birjeex ee uu hogaaminayay rabi naxariistiisii jano ha ugu deeqee Marxuun Ibraahin Koodbuur isla markaana lagula baxay Marxuun Cabdilaahi Askar oo xiligaas ay qabteen Ciidamadii Siyaad Barre wakhti uu ku gudo jiray hawlgal xasaasi ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net