Mulkiileyaasha Shirkado lagu wareejinayey Haamaha Shidaalka Berbera oo Arrimo badan fashiliyey, Go’aankii Golaha Wakiillada-na ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Mulkiilayaasha Shirkado la doonayey in lagu wareejiyo Haamaha Keydka Shidaalka ee magaalada Bebera, ayaa cambaareeyey go’aan ay xildhibaannada Golaha Wakiilladu maanta ku laaleen in Haamahaas oo maamulkeeda ay gacanta ku hayso xukuumaddu lagu wareejiyo Shirkado gaar loo leeyahay.

Fadhi uu maanta yeeshay Goleweynaha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku hor joogsaday Qorshe Xukuumaddu ku doonaysay inay Haamahaas Gacanta ugu geliso Shirkado gaar loo leeyahay oo qaarkood lagu xidhiidhiyey inay saamiyo ku leeyihiin masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan.

UntitledMasuuliyiin metalaya shirkadaha dalka keena Shidaalka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa ka hadlay go’aanka Golaha Wakiilladu ku laaley qorshaha Wareejinta Haamaha iyo arrimo kale.

HALKAN KA DAAWO