Muj:Cali Gurey Oo Ka Hadley Sida Uu U Arko Ictiraafka Sheffeild,Wasiirada Tagayna Ku Sheegay Kuwo Duulaan Ah

Hargeysa(SLPOST) Gudoomiyaha Ku-Xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah UCID Muj:Cali Yuusuf (Cali Gurey)ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan sida uu u arko citiraafka maanta golaha deegaanka sheffeild ay u qaadayaan Ictiraafka somaliland,waxaana uu sheegay in wasiiro farabadani ay dusha ka fuuleen dadaal xoogan oo ay soo sameeyeen dadka muwaadiniinta ah ee ku dhaqan magaalada Sheffeild.

download (19)

qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta internetka uu ku leeyahay ee facebook ayaa waxaa uu u dhignaa sida tan

“Waar Waxa la yidhi nimankii Waddani ee Shefield wixii ay dedaaleen raxan wasiiro ahbaa dusha kaga degtay oo tidhi ha u dhiibine ictiraafka la sheegayo, Waddani waa xisbi mucaarid ahe,Anaguu madaxweynuhu na soo diraye tuulo tuulo noogu dhiiba, colkii Waddanina waxay  ugu jawaabeen Waaba laxbaa lagaa yidhi” ayuu qoraalkiisa ku yidhi mujaahid Cali Guray.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland