Mujaahidnimada iyo Cv-gu Waa Kala Gaar

 

Xafladii xalay ka dhacday agaalada London oo ahayd mid si weyn loo wada sugaayey, waxaa ka hadlay madaxweynaha Somaliland, wasiirka warfaafinta, wasiirka madaxtooyada, maro iyo mudane intii ugu macquulsanayd ee madasha loo qorsheeyey.

 

Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliland runtii xalay khudbad munaasib ku ahayd oo laga dhadhasan karaayey bisaylka dawladnimada ayuu ka jeediyey madasha, dadkii goobta joogay iyo kuwii daawanaayey labaduba waxay runtii ku bogaadiyeen hadalada dhaxal galka ah ee uu madaxweynuhu ku soo daray qudbadiisa, waxaanu muujiyey in wadankiisu mar kasta doorashooyin diyaar u yahay, dhiig cusubna loo baahan yahay.

 

Dadka xalay waxay wada sugaayeen inuu arrinta xisbiga Kulmiye ka hadlo, laakin taasi may dhicin oo wuxuu kuujiyey inuu yahay masuul qaran oo aan waraabinta waxba u marinayn baarqabka xisbigiisa ku dhex dagaalamaya, waxaanu kaga gaabsaday si duur xul leh, waxaanu sheegay in doorashadu doorkan ka dhici doonto meelo badan oo aanay hore u gaadhin, taasina ay ku timi dadaalka xukuumadu muujisay iyo ilaahay oo nabada inoo balaadhiyey.

 

Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna ka hadlay madasha ayaa khudbad qiimo badan ka jeediyey xalada, waxaanu si qurux badan hadalo duur xul ah hawada u mariyey mujaahidiinta ku faanta inay dalka soo xoreeyeen, waxaanu u sheegay in mujaahidnimada iyo Cv-gu ay kala laba yihiin, isla markaana laba shaqo oo kala duwan taariikhdu ay u qorto.

 

Qof kasta oo mujaahid ahi haduu ii mar kasta la soo istaago mujaahid ayaan ahay waa midh subxaanallah, waxaanay kaaga dhagaysaa aakhirka mujaahid, mujaahid, mujaahid… dadkuba haduu mujaahid ku wada faano waxaynu noqonaynaa dal iyo dad bilaa Cv-ah.

 

Wasiir Xirsi waa nin aqoontiisu hagtay oo indhihiisu eegayaan meel ka saraysa meelaha ay siyaasiyiinteenu had iyo jeer eegaan. Mudane wasiir waxa aad

dalkaaga u qabtay umadiisa ayaa kaaga markhaatiya, ilaahaynaa waa kuu ogyahay.

W.Q Mustafe Cabdi

cmustafe99@gmail.com