Mujaahid Xasan Guure oo u si Adag ugu Jawaabay Moorgan

Hargeysa(SLpost)-Mujaahid Xasan Guure Jaamac, guddoomiyaha madasha wadatashiga iyo toosinka Qaranka Somaliland ayaa jawaab kulul oo manasheegasho ah siiyay Jeneraal Moorgan oo ka tirsanaa saraakiishii dawladdii rajiimka ee Siyaad Barre oo shallay warbaahinta soo mariyey hadallo ku lidi ah Somaliland.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in Moorgan kaba la’aan kaga cararay Hargeysa isaga oo waliba madax ka ah qaybtii ugu xoogga waynayd dawladdii rajiimka. Waxa kale oo uu Mujaahidku ugu tar sheegtay in dagaalkii lagu kala calaf qaaday imikana aan hub la sidan ee soomaali uu nabad ugu baaqo.

“Haddaan taariikhda dib ugu noqdo, isaga oo qaybtii 26aad ee ugu xooga waynayd ciidankii Siyaad Barre madax ka ah ayuu kabo la’aan kaga cararay Hargeys. ilaa maalintaa ilaa maanta dad soomaaliyeed oo islaynaya ayuuxabadooda hayey waxa aan kula talin lahaa odayga iska cibaadayso. Wixii aynnu kala qaadi lahaynba Moorganaw waynnu kala qaadnay oo anaba jabhaddii baanu ahayn. Markaa annaguba hubkii dhignaye hubka iska dhigoo oo Soomaali colaad ha ugu baaqine nabad ugu baaq” ayuu yidhi Mujaahid Xasan Guure Jaamac

 

Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo waraysi gaar ah siiyey Royal TV ayaa ka hadlay arrimo kale oo ku saabsan siyaasadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net
Hargeysa Somaliland