Mujaahid Cali Guray Oo Luuqad Adag Kaga Hadlay Xadhiga Wargeyska Haatuf

Hargeysa (SLPOST) Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag uga hadlay Xadhiga ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Wargeyska Haatuf.

download (19)

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyey Boggiisa Facebook waxaanu yidhi“Waxan ku jiraa faceboogga isha-na waxaan marinayaa aragtida saaxiibaday ay ka qabaan dhacdada foosha xun ee ay xukuumadda Axmed Siilanyo kula wareegtay xaruntii Wargeeska HAATUF oo runtii aan lagu kala duwanayn ee intii wanaaga Somaliland jecel oo dhami ay ka siman yihiin dareen ahaan kana xun yihiin dhacdadani.

Muwaadiniinta xalaasha ah oo dhami la iskuma hayo inay ka soo wada horjeedaan foolxumada uu ku xaragoodo inanka Madaxwaynuhu sodogga u yahay ee Baashe Cawil oo runtii ficiladiisa iyo habdhaqankiisu ay damaq iyo xanuun ku hayaan shacbiga Somaliland isla maraana ay xasuusinayso xilgii adkaa ee keli taliskii Siyad Barre iyo wixii hore u soo maray cabudhin iyo car juuq dheh.

Waxay waxgaradka Somaliland is waydiinayaan, waar maxaynu ka dagaalanay maxaynu se u soo dagaalanay? Lakiin nasiib darro Madaxwayne Silanyo uma hayo jawaab kale oon ahayn, WAXA U SOO DAGAALANTEEN WIXII AA KA DAGAALANTEEN.

Jawaabta madaxwaynuhu mid dadka reer Somaliland ay geyaan iyo mid qancinaysa in aanay ahayn na waynu wada ognahay. Tiro aad u yar oo danayste yaal ah oo sed bursiimo ku haystaa kana faaiidaysta ku tagri falka awoodaha madaxwaynaha iyo shakhsiyaad hoos loo guneeyo oo xilal haysa ama duunyo qaata mooyee dadka intiisii kale waxay ku jiraan fajac iyo amkaaga.

Iyadoo aan sidaa ugala socdo warbaahinta madaxabanaan ee Internet yada iyo TV yada ba leh ayaa waxan aad ula yaabay Tv-ba ku hadla afka Axmed Siilanyo ee Gol Ceebeed ama Khasaare Wayne. Shidanaa ba shidan waxa ka socda HOBAALAYAY HEEDHE iyo qof dumar ah oo tirinaysa maanso wax qabadka xukuumadda iyo amaanteeda ah, waa se dumare yeelkeed. Inta waxa og ee danaynaysa wanaaga Somaliland gaar ahaan intii u soo halgantay dib u xoraynteedu na waxay iyagu na leeyihiin SAHAL KUMA XADRAYN KARO oo waxay xasuusan yihiin maansadii daalalay:

TOBAN DAAWO LALA GALO

DEREJIYO XIL LAGU TAXO

AMA DUUNYO LAGU QUBO

UMA KORIN DARMAANTEE

WAXAN DUULAN U CUSKADAY

INAAN DUUG KU HUBIN KARO

INAAN DAAHAN GARAN KARI

MADALIYO SHIR ILA DA’AH

IN AAN DOOD KA ODHAN KARO

DIBNAHAYGA BARI KARO

IN LA DIIDI KARO YEEEEEEL

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland