Muj. Dhegoweyne oo ka cudur-daartay Waraysi uu siiyay baxay Wargeyska Ogaal

Hargeysa (SLpost)- Mujaahid Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhagaweyne), oo horraantii bishan barakaysan ee Ramadaan waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Wargeyska Ogaal, ayaa qayb waraysigaas ka mid ah oo dadka qaar si qaldan u fahmeen fasiraad ka bixiyey, isla markaana ka cudur-daartay inaanu sida loo fahmay hadalladaas aanu isagu ula jeedin.

Ibraahin-Dhagaweyne, qaybta waraysigaas tafsiirka ka bixinayo, ayaa ahayd jawaabta su’aal laga weydiiyey Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka ee ay bishii hore ay Golayaasha Baarlamanka ee Guurtida iyo Wakiilladu ansixiyeen.

“Waraysigii aan Wargeyska Ogaal siiyey ayaa dadkii akhristay qaarkood waxoogaa sharciga Isgaadhsiinta aan kaga hadlayey, markaa intaas ayaan rabaa inaan sidii aan ula jeeday tafaasiil sax ah ka bixiyo. Anigu kamaan hadlayn Kooto cid wax loo siiyaye dhinaca Sharciga ayay ahayd waxaan ka hadlaayey.” Sidaa ayuu yidhi Ibraahin-Dhagaweyne.

Ibraahin-Dhagaweyne oo hadalkiisa sixitaanka ah sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaan u jeeday inay dawladdu sharciyadda waafajiso oo ay ahayd in Sharciga  la sameeyo ka hor intaan liisanba (oggolaanshaha Cable-ka Badda) la bixinnin oo aan leeyahay qolooyinka damacu ka hayo Isgaadhsiinta ayaa qaabka ay dawladdu u dhigtay ee halkii ay Sharciga ka horreysiinaysay bixintii ka horreysiisay waxoogaa si kale u arkaya. Markaa, anigu ma lihi cidbaa Shaadh la leegaysiiyey, ee haddii qalad jiro dawladda ayaa leh oo wax kala horraysiisay. Sharci Baarlamaan ansixiyey oo aan naqdiyey aniguna ma jiro.”