Mulkiilaha Facebook oo ku dhawaaqay Mashruuc Internet-ka lagu Gaadhsiinayo Qaxootiga Afrika

 

Newyork(SLpost)-Mulkiilaha Shirkadda Facebook oo ka mid ah kuwa ugu Waaweyn Caalamka ee Bulshadu ku xidhiidho ayaa sheegay in Shirkadda Facebook ay Qorshaysanayo sidii ay Adeegyo Internet uga Hirgalin lahayd xeryaha Qaxootiyada ee ay Qaramada Midoobay maamusho.

“Dhamaanteen ayaa ka faa’iidayna markaan nahay dad isku xidhan,” ayuu Mark Zuckerberg ku yiri Waraaq uu kaga hadlay sida ay u  Wanaagsan tahay in Dad cusub ay ku soo biiraan shabakaddiisa Internetka.

Hadaladan ayaa yimid ka dib markii Mark uu ka qayb-galay shir ay Qaramada Midobay ku qabatay xarunteeda New York, isla markaana looga hadlayay Ajandayaal horumarineed oo Calaami ah oo ay Qaramada Midoobay ansixsay maalinimadii jimcaha.

Shirkan waxaa ka qayb-galay inta badan Madaxda Waddamada Adduunka iyo Qaar ka mid ah Hogaamimiyaasha ugu sareeya shirkadaha hirgalay oo ay ku jirto shirkadda uu madaxda ka yahay Mark ee Facebook.

Dadkii shirkan ka hadlay waxaa kamid ahayd haweenayda hogaamisa Jarmalka ee Angela Markel, Waxayna sheegtay inay muhiim–tahay Dajinta Qorshayaal horumarineed, iyadoo ka dalbatay hogaamimiyayaasha ganacsiga in kaalinootada ay qaataan.

“15-kii sano ee la soo dhaafay waxaa si adag loola dagaalamay faqriga, marka koobku waa haaf buuxaa ,talaabada ugu danbaysa ayaana ah markasta tan ugu adag,“ ayay tiri Angela Markel oo si qoto dheer uga hadashay Qorshaha QM.

Shirkadda Facebook ayaa hadda Qorshaynsa in Adeegga Internet-ka ay Gaadhsiiso dad lagu qiyaasay tiradooda Afar bilyan oo qof oo isugu jira kuwa aan heli karin taleefanada casriga ah ee Smart-phones-ka ah iyo kuwa aan nasiibka u yeelan shirkadaha internetka bixiya.

Mr. Zuckerberg ayaa laga dhaliilay adeegga shirkaddiisa gudaha dalka Jarmalka, waxaana dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in xogo lagu kaydsaday akoonada Faceboog-ga si sahlan loola baxay ,waxaana kulankan uu garab fadhiyay Markel.

Ugu dambeyn, Bishii Abriil ee Sannadkan ayay 65 urur oo ka mid ah kuwa Caalamka oo Waraaq furan u diray mulkiilaha shirkaddda Faebuug-ga ayaa sheegay in Mark uu ku xad-gudbay sharciyada bixinta netka ,waxaana mashruucan lagu wadaa in ay ka faa’iidaystaan Soomali badan oo ku xaraysan xeryaha Qaxootiga ee Kenya iyo dalalka kale ee caalamka.