Muhiimadda Aqoontu Leedahay iyo Sida loo Helo Aqoon Dhammays ah

Aqoontu waa habka aad u ku ogaan karto xaqiiqada iyo xaalada dhabta ah ee taagan, aqoontu waa habka aad ku kala saari kartid saxa iyo khaladka, aqoontu waa habka aad wax u baadhi kartid kuna ogaan kartid xaqiiqda, aqoontu waa habka aad dhibaato taagan ku xalin kartid , aqoontu waa habka aad kuheli kartid aqoon iyo waayo aragnimo kaa dhiman, aqoontu waa is badal nololeed oo aad ka samaysay naftaada , aqoontu waa habka aad daaha kaga rogi kartid wax kaa qarsoonaa, kaas oo aad doonaysid inaad wax ku qabsatid, aqoontu waa habka aad wax qaldan ku badali kartid kuna sixi kartid.

Aqoontu waa ay balaadhan tahay, mana jirto shay kaliya oo la bartaa, mana jirto qaab kaliya oo wax loo bartaa , aqoontu waa ay badan tahay, siyaabo kala duwana waa loo bartaa, loona maraa , waxaanay leedahay wadooyin iyo sharciyo gaara oo lagu barto.

In wax la baadhaa waa aqoon la helay, in wax la xaliyaana waa aqoon la adeegsaday, aqoontu waa habka maanta heerkasta oo jira ina soo gaadhsiisay, waa habka iyo kala dambaynta, haday dawlad tahay, haayad tahay, shirkad tahay, ama shaqsiyaad tahayba lagu kala socdo.

waxa aynu iskuul u aadna, jaamacad u aadnaa, malcaamad iyo maxadba u aadnaa inaynu helno aqoon kala duwan, oo aynu nafteeda, dadkeena, dawladeena iyo cidkasta ku maamulno uguna adeegno.

aqoon in la helaa maaha wax fudud waxaanay u baahan tahay
————————————————————————————————————
1: wakhti
2: dhaqaale
3: samir
4: dadaal
5: karti
6: tamar
7: maskax iyo qalbi soo jeeda.

Aqoonta waxa lagu helaa
———————————

Aqoonta in la helaa waa shay daruuri u ah qofkasta oo adduunka ku nool , waxaanu ku helayaa wadooyinkan kala duwan
1: marka hore waa in aad haysataa maskax u furan in aad wax ku baran kartid.
2: waa in aad go,aamisaa waxkasta oo aad rabtid inaad baratid oo ay kaa go,an tahay, aqoonta aad baranaysidna ay kuu qeexan tahay.
3: diyaar garaw inaad samaysid
4: inaad qorshaysid iskuulka ama goobta aad wax ku baran lahayd.
5: diyaarin agabkaagii waxbarsho.
6: Tagis goobtii ama iskuulkii / jaamacadii aad wax ku baran lahayd.

SHuruudaha lagaaga baahan yahay , hadaad aqoon rabtid.
——————————————————————————————
1: Akhris: waxa lagaaga baahan yahay akhris badan, adoo akhrinaya book taada , iyo buug kasta iyo kitaabkasta oo aad faaido ka helaysid, akhrisku waa shayga koowaad ee aqoon la arkayo lagu helo.

2: Qoraal: inaad wax qortaa waxay la macno tahay inaad kaydisay wax badan, qoraalka waaa astaanta kaliya ee aqoon buuxda lagu helo, wixii aad qortayna waa waxaad xasuusan kartid, wixii aad xasuusataana waa waxaad qortay.

3: dhagaysiga: mar hadaad arday noqotid, ama aad wax baranaysid waa inaad la timaadaa dhagaysi, adoo dhagaysanaya cida ku hor taagan,haday macalinkaaga tahay iyo haday cid waayo araga tahayba.

4: Goob jooge: Noqo qof markasta indhihiisu furan yihiin diyaar u ah inuu arko hawl kastaa siday u socoto, diyaar u ah inuu ka helo khibrad iyo waayo aragnimo,inaad heshaa waayo aragnimo waxay ku xidhan tahay inaad goob jooge noqotid.

5: xifdi: inaad wax xifdidaa waa wadada aqoonta iyo cilmi helista, waana ta ugu muhimsan inaad waxkastood, aragtid, maqashid, ama aad haysidba xafidaa , ka dibna soo xasuusataa.

6; La saaxiib waayo araga. waa muhiim inaad saaxiib joogta la noqotid , dadka waaweyn ee khibrada iyo waayo araga leh,waayo waxay kaa caawinayaan waxkasta oo aad uga baahato, ama waxad ka helaysaa waayo aragnimo marka ay ku jiraan hawlahooda shaqo.

7: Aqoon urursasho: inaad aqoon urursataa waa muhiim, inaad takhasus yeelataana waa sidoo kale,markaa , waxaanay ku baraysaa khaladka iyo saxa inaad aqoon ururisaa.

8: suaal waydiin: waa inaad noqotaa qof markasta wax ka waydiinaya waxkasta oo uu baranayo, adoo isticmaalaya kalmadaha kala ah, what, ? why? , where,? when,? who, ?
suaalahaasi waa kuwa ku suuro galinaya in lagaaga jawaabo adna aad ku heshid wixii aad u baahnayd.

9: baahi: rabitaanku waa asaaska aad wax ku baran kartid, hadaanad jeclayn, waxaad waxba baran maysid. barashada iyo aqoontu waxay ka timaada baahida rabitaanka loo qabo.

10: waxbaris: waa muhiim hadaad aqoon haysatid inaad caruurtaada wax bartaa, wixii aqoontaada ah aad bartaa, saaxiibadaa aad wax bartaa, familkaaga aad wax bartaa si laguugu aayo if iyo aakhiraba.
11: cilmi baadhe: inaad noqotid qof markasta cilmi baadhaya , wax is waydiinaya, wax cusub abuuraya, ka fikiraya, ururinaya , tijaabinaya, soona bandhigaya.
Gabo gabo
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa adduunka waxa loogu nool yahay ,waa in la helo aqoon dhamaysa haday tahay mid diini ah oo ah ta koowaad , haday tahay maadi , maxaa yeelay wadanba wadanku ka horumarsan yahay waa ka dadkiisu ka aqoon badan yahay kuwa kale, markaas waa waajib in aqoon la raadsado, la barto, lana soo bandhigo.

aqoontu waa furaha nolosha, kuna kala saaraysid wanaaga iyo xumaha, khaladka iyo saxa, wadada wanaagsan iyo wadada xun intaba.

waxa laynooga baahan yahay , meelkasta oo aynu joogno, inaynu la nimaadno aqoon dhamaysa diini, iyo maadi hadaad labadaba isku dartid waxaad heli cilmi dhamaysa, waana muhiim inaad markasta yeelataa aqoon si aad xaaladaha dunida ka taagan wax badan uga fahanto , si aad u noolaato, nolol qurxoon oo farxad badan waxa kuu haysa aqoonta aad haysatid iyo sida aad u istimcaashid ama u adeegsatid.

Xusuusin: cilmi iyo aqoonkasta oo aad baranaysid ha noqdo mid ALLE swc uu raali ka yahay, ogol yahay, dadka iyo dalkaba wax u taraya, horumar iyo is badalna keeni kara.
aynu barano cilmi, ubadkeena barno cilmi, dadkeena barno cilmi.

 

Aqoontu waa lafdhabarta nolosha.
aqoontu waa nolosha quruxdeeda,
aqoontu waa is badal dhinac kasta leh.

 
Contact
Farhan Mohamed Sultan Nur (Rakad)
Mobile: 063-4400319
Email: farxaanmxd@gmail.com
Social activist/Free Journalism/Political analyst
Post number: RP 169
Berbera