Muhiimada Hooyada Waxbaratay U Leedahay Tacliinta Ilmaheeda Maxamuud Daahir Cumar

Shaki kuma jiro muhiimada iyo saamaynta hooyada waxbaratay ku leedahay ilamaha, jacaylka iyo foojignaanta hooyada wanaagsani waxaa uu aad u saameeya shakhsiyada ilmaha. Jacaylka iyo ilmaha oo si foojigan loola socdo waxay sababtaa inuu ilmuhu qaato dareen mahad celineed iyo waliba in kalsoonidiisa sare u qaado waqtiga uu korayo. Door wayn ayay hooyada waxbaratay ku leedahay tacliinta ilmaha mana jirto ayaan filayaa cid diidan in hooyadu ay tahay goobta tacliimeed ee u horeysa e ilmaha (first school). Nidaamka tacliimeed ee ilmuhu ka baranayo hooyadu waa mid xidhiidhsan ilaa marka uu dharabta ku jiifo. Culimada xaga cilmi nafsiga qaar ayaa yidhaahda waxay hooyadu dhagaysato marka ay uurka leedahay ama ay akhrido iyo waliba caadifadeedu wuu la socdaa ilmuhu islamarkaana saamayn ayay ku leedahay. Caadifada iyo hab-dhaqanka hooyadu waxaa uu u gudbaa ilmaha xataa isagoo aad u yar oo la moodayo inaanu waxba fahmayn.

Tacliinta waxaa sidoo kale la iskugu gudbiyaa qaabka araga iyo is eegista dhexmarta hooyada iyo ilmaha waqti kasta, meel kasta wuu dhici karaa nidaamkan tacliinta la iskugu gudbiyaa. Hooyada wax dhashay ama ilmo korinaysa waxay masuliyad weyni ka saarantahay inay ka fikirto nooca ilmaha ay bulshada ku soo kordhinayso ama ay ku dadaasho inay soo kordhiso jiil waxbartay, edab badan islamarkaana hal abuurleh oo umada wax ku soo kordhiya. Waa riyo aan rumayn karno hadaan waqti galino. Hooyada aan ku fikirin inay macalimad u tahay ubadkeedu waxay sumcad xumo u keeni kartaa qoyska iyo bulshada labadaba. Haddii hooyadu fahanto una soo jeedo inay waajibaadkeeda ka saran ilmaha yar u guduto si dhaqanka islaamka waafaqsan iyo inay u gudbiso dhaqan wanaagsan islamarkaana waxbarto iyadoo u tilmaamaysa dariiqa wanaagsan kuna dhaqmayasa waxaa hubaal ah inay bulshada ku soo dari doonto ilmo waxbartay, edab leh oo awooda inuu masuuliyad qaado hadhowna caawiya iyaga (waalidka) iyo noloshoodaba.

Somaliland oo ah dal yar oo aan dhaqaaluhu buurnayn hooyooyinka waxaa ku adag inay u gutaan waajibaadka ka saran ilmahooda ee dhinaca tacliinta si caadi ah. Qaar hooyooyinka ka mid ahi waxay ku mashquulsanyihiin shaqada guriga ee aan habaysnay oo mar walba taagan, qaar ka mid ah hooyooyinku waxay la daalaa dhacayaan quutal daruuriga caruurta madaamo ay iyagu yihiin hooyo iyo aabo; dayac ka yimid raga ama si kale wax u jiraan. Inta badan hooyooyinka waxaa ka hor taagan inay ilmahooda wax baraan iyadoo tacliintoodu hoseyso ( low level of literacy) ama qaarkood aanay waxna qorin waxna akhriyin. Waana ta keentay in hooyooyin badan ay hore u geeyaan ciyaalka iskuulka iyaga oo aan guriga wax ugu dhigin taasina waxay keentaa in ilmihii dhaqankiisu is badalo waayo lama barin bay’ada guriga waxaanu si howl yar u qaataa dhaqanka caruurtu la timaado iskuulka.

Haddii xaalku sidaa ku socdo dalkan aan ku noolnahay ee Somaliland oo goobaha tacliintu aanay ilmaha wax u barin si cilmiyeysa islamarkaana aan la baadhan dhibaatada haysata ilmaha waxaa hubaal ah in ilmaha bulshada ku soo kordhayaa aanu noqonayn mid waxbartay islamarkaana caawiya waalidka iyo bulshadaba dhinaca kale hadaan u dhigno marka ilmihii ay dayacdo hooyadu oo aanay si fiican u dhisin sababtu waxay doontaba ha ahaatee ilmaha bulshada ku soo kordhayaa waxa ay u dhowdahay inuu noqdo kuwa habeenkii gidaarka inoo istaaga taas oo aan ina anfacayn bulsho ahaan iyo waalid ahaanba.

Waalidiinta raga u badan ee inta badan ka maqan guryaha ha ahaadaan qaar qayila, qaar maqaaxiyaha fadhiya ama ha shaqo tagee waxaa hubaal ah inay fariin khaldan u dirayaan ubadka oo ilmuhu helayo fursad ah inaan la ilaalin dhinaca kale hadaan ka eegno hadaad tahay aabo ama hooyo waxbaratay balse aan waxba guriga ku akhriyin waxaad fariin u direysa ilmahaaga waayo haduu ku arko adiga oo wax akhriyaya isagana caawinaya wuu kugu dayanayaa.

Hooyada oo inta badan aan kaga hadlay maqaalka sababtu waxaa weeyi hooyadu waa meesha uu ka unkamo qoysku iyada ayaa guriga inta badan joogtaa waxaanay ka abuuri kartaa xaalada wanaagsan oo tacliimeed iyo iyadoo ilmaha ku hagi karta inuu barto aqoonta ha ahaato mid ku saabsan diinta iyo maadooyinka kalaba sababtoo ah; ilmaha iyo hooyadu iyaga ayaa iskugu dhow waxaana ka dhexeeya xidhiidh adag marka la eego reerka inta kale.

Waxaa hubaal ah in hooyadu doorka ugu badan ka ciyaarto tacliinta ilmaha inta uu xoog u yaryahay iyo marka uu weynaadaba hooyadu waxay tusaale u tahay ilmaheeda oo ku deyda. Sababta ay hooyadu door weyn uga ciyaarto tacliintu waa ilmuhu inta badan guriga ayuu joogaa. Ilmuhu meelo badan ayuu wax ku bartaa sida guriga iyo iskuulka laakiin waxaa ugu saamayn badan guriga

Tacliinta uu ilmuhu guriga ka barto waxaa ka mid sida nolosha loola tacaalo, sida xaaladaha loo qiimeeyo, sida loola dhaqmo dadka sida loo doorto saaxiib wanaagsan oo caawinaya ahdaafta aad nolosha ka leedahay. Hooyadu maaha oo qudha wadnaha tacliinta ilmaha balse waa macalinka ay ka qaataan tacliinta si ay ugu dabakhaan noloshooda. Tuulasha qiimaha leh ee ay hooyada caruurtu ka bartaan waxaa ka mid ah kalsoonida, naxariista, xiisaha dhinaca shaqada iyo sadaqo bixinta. Marka aan dareen fiican ku eegno hooyadu waa aasaasaha ka caawiya ilmaha yar inuu xidhiidh la yeesha bulshada hadaba sida loola dhaqmo iyo sida wax loo baro ayay ku xidhantahay dhaqankiisu. Markaa hooyo fahan doorka tacliimeed ee ilmaha aad ku leedahay kuna dadaal inaan bulshada ku soo kordhiso ilmo hal abuurleh, anfaca bulshada guud ahaan, adiga si gaar ah kuu anfaca.

         Mahadsanid

Maxamuud Daahir Cumar

Education Analyst

Tell: 0634423327