Mudaneyaasha Guurtida oo Shirguddoonka ka Dalbaday in loo Yeedho Mas’uuliyiinta Amniga Qaranka Qaabilsan

 

Hargeysa (SLpost)- Fadhigii shalay ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudanayaashu ku soo gebogabeeyeen dooddii qodob ka mid ah ajandahooda oo ku saabsanaa amniga iyo nabad gelyada dalka. Fadhigan shalay oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaashii doodad ka qayb qaadanayay waxa ay aragtiyo aan kala durugsanayn ka bixiyeen xaaladda dalku ku sugan yahay iyo sida ay tahay siyaasadda arrimaha gudaha ee dalku. Waxaanay ku sababeynaayeen in siyaasada arrimaha dibada ee dalkeena laga dheehanaayo siyaasada arrimaha gudaha ee dalka, halka sidoo kalena xildhibaannada qaarkood ay soo jeedinaayeen in wax laga qabto dhinaca arrimaha bulshada. xildhibaan Muxumed aw Axmed oo ka mid ahaa mudanayaashii dooda maanta ka qaybqaadanaayey ayaa hadakiisa ku bilaabay sidan: “ Waxaynu caalamka ka iibinaynaa waa nabadgalyada haddii Somaliland nahay, halkii ay qusaysaa waa in ay kaalinteeda ka qaadataa, qoddobka aan ka hadlayaa waxa weeyi in howsha nabadgayda, qayb weyn ayey ka qaadan jireene uu golahan guurtidu wacyigalinta kaalintooda ka qaato. nabadgalyadu haddii aannay kharash lahayn ma socoto’e haddii nabadgalyada kharashkeedii uu goluhu [hore] cunay , immikaba ayaan la cunin oo waa kaa shirgudoonkiiye arrintaas meel ha iska dhigo”. Sidaas ayuu yidhi Xil. Muxumed Aw Axmed.

Geesta Kalena Xildhibaan Maxamed Sheekh C/Raxmaan oo ka mid ahaa mudanayaashii doodii shalay ka qaybqaadanaayey ayaa shirgudoonka golahaaasi si buuxda uga dalbaday in mas’uuliyiinta dhinaca amniga loo yeedho si golahaasi uu wax u weydiiyo arrimaha nabadgalyada ee dalka, sidaasi ayaanu fadhigii shalay ku soo gebogaboobay iyada oo gudoomiyaha golaha guurtidu uu mudanayaasha ka codsaday in ay soo xaadiraan fadhiyada goluhu yeelanaayo ee dembe.