Mudaneyaasha Golaha Wakiillada oo ka hadlay Burburka shirka wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Shir-guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada qaarkood, ayaa ka dareen-celiyey burburka ku yimi shirkii wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo horaantii todobaadkan ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaas oo laysku af-garan waayey kaddib markii ergada Soomaaliya u metelaya wada-hadallada lagu soo daray xubno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

golahaGuddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Cali Yuusuf iyo xildhibaanno ka tirsan Golahaas oo maanta warbaahinta dawladda la hadlayey, ayaa masuuliyadda dib-u-dhaca ku yimi wada-hadallada dusha u saaray Dawladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh oo ay ku eedeeyeen inuu danaynayey burbur ku yimaadda wada-xaajoodka isla markaana uu ogaan u daray ergadiisa saddex xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaannada Somaliland, arrintaas oo ka mid qodobbo hore loogu heshiiyey oo inay wada-hadallada carqaladaynayaan laysla gartay.

HALKAN KA DAAWO