Mudaneyaal ka tirsan Baarlamanka Kenya oo Dalbaday in Beeritaanka iyo Ka-ganacsiga Qaadka Laga Madnuuco Dalkooda

Nairobi (SLpost)- Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya ayaa Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta u soo jeediyey inay ku deyato talaabada Ingiriiska dalkeeda kaga mamnuuday Ka Ganacsiga Qaadka.

Xildhibaan Diriye Cabdilaahi Maxamedoo laga soo doorto degmada Wajeer iyo Maxamed Shidiye oo laga soo doorto degmada Lagdera ee gobolka Soomaalida Woqooyi-Bariga Kenya, ayaa ka codsaday xukuumadda Kenya inay mamnuucdo guud ahaan beeritaanka iyo ganacsiga Qaadka Mirooga.

Xildhibaanadan Soomaalida ah ayaa sheegay in Qaadku yahay mukhaadaraad, lagana mamnuuco dalka Kenya. “Miirooga waxay isku koox yihiin xashiishadda cocaine iyo heroine, waa mukhadaraad beeritaankiisa iyo ganacsigiisa in laga mamnuuco dalka Kenya loo baahan yahay,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Diiriye oo u warray jariiradda Daily Nation.

sawirXukuumada Ingiriiska ayaa laba todobaad ka hor dalkeeda ka mamnuucday Qaadka Mirooga ee looga dhoofin jiray waddanka Kenya, ka dib markii lagu tiriyey noocyada mukhaadaraadka caalamka, balse iskaashatada qaadka Miirooga, ayaa ka cadhooday talaabadaas, una soo jeediyey Kenya inay mamnuucdo tababarka ciidamada Ingiriisku ku qaataan dalkooda.

Labadan xildhibaan ayaa u soo jeediyey beeralayda qaadka Miirooga inay dalagyo kale ku baddashaan beeritaankiisa maadama aanay iyaga laftoodu daliil caafimaad u helayn beeritaanka Miirooga. “Miiroogu waxa uu keenaa dhibaatooyin badan sida daal, burburka qoysaska iyo walaf aan loo helayn sabab qiil u noqota,” sidaasna waxa yidhi Xildhibaane Shidiye .
Waxay ku doodeen in hay’adda la dagaalanka Khamriga iyo Xashiishada Kenya ay Qaadka ku dareen liiska mukhaadaraadka, wakhtigana xukuumada looga baahan yahay inay gebi ahaantiisa mamnuucdo isticmaalkiisa. “Waxa muhiim ah inaan xushmayno hay’adaha aynu samaysanay , isla markaana fulino talooyinkooda,” ayuu hadalkiisa raaciyey Md Shidiye.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in gobolada Waqooyi-bari yihiin kuwa saamaynta ugu badan Qaadka Miiroogu ku leeyahay, inkastoo haddana gobolada uu ka baxaa ka fog yihiin.

SOMALILANDPOST.NET