Mudane, Siilaanyo yaa cafiska ka codsanaya ee uu ka cabanayaa? – Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Waxsay tahay caawa,

Calaacali maayo,

Hal baa curanaysa,

Ufaa caranaysa,

Malaa cir da’aaya,

U sii ah calaamad,

Ciyowga higgooday,

Wuxuu ka cif leeyay,

Colaad ka horreysa,

Cagaar hiri doona

 

Hashii Cosob, Gaarriye, 1980kii

31/7/2014ka, Hargeysa,

Waa 29kii Ramadaan, 1434 Hijriyada, kuna beegan galab Axadeed oo ay bishan Juulay tahay 27, 2014ka. Shalay ayaan Jabuuti ka soo noqday. Bishan Ramadaan waa aynu kala maqnayn innaga oo isu fasaxnay in aynu ku koobnaanno Ramadaanta iyo cibaadada Ilaahay. Marka hore Ciid Mubaarak. La waari maayo e’, ifka waayo sii jooga.

Ramadaan dhammaantay, la isuna soo noqoy. Hadda ayaa dab-qaadkii lagu shidayaa halkii uu gun-gumuhu galay. Malmalkiina waa muush waana la daba-sidaa. Gacanta malmalka dabka ku tuuraysaa waa mid mutacaafiya, afku hadalkii ma gabin ee ‘Hoo lebenka ayuu hayaa’.

 

Ma Mareegaha waxaan ka daawaday:

La-ye goobtu waa London. Meel hudheel ah oo Nomad lagu sheegay. Afarta geesood ee had iyo jeer lagu hadaaqo mid ay ka ahayd garan maayo. Madal bilan ma ay ahayn. Gabaahiir laga guuray…..Guri-cas laga hayaamay ayay saansaankeeda lahayd. Dadku ma badnayn ee cantoobo meelahaa laga soo qab-qabtay ama ballan-qaadyo lagu hungoobo loo sameeyay ayay ahaayeen. Farax iyo sureer wejiyadooda kama muuqan. In geeridii aabbahood loo sheegay ayaad moodaysay.

Waa saddex dhinac waxa la fadhiyaa. Barta Guddoonka waxa ka soo jeeday Madaxweynaha, Mudane Siilaanyo oo ay labada dhinac ka xigaan Safiirka iyo Wasiirkiisa Waxbarashadu. Safka bidix iyo safka midig ee isa soo eegayay midba ilaa lix qof ayaa fadhiya oo guraan-gur ah. Dadkan uu Madaxweynuhu dhex jooga ama dhex fadhiyaaba ma ay dhammayn labaatan. Mid ayaa dumar ka ahayd. Maryaha miisaska saaran midabkoodu waa dambaska oo kale oo indhaha ayaa ka soo boodaya. Goobtu ma sharraxna. Ubaxyo ma yaalliin. Dadku si rasmiya oo Madaxweyne lagu soo hor fadhiisto uma soo lebbisan. Murugada iyo tiiraanyada miisaska iyo maryaha ka muuqatay, qalbi takh-takh ayaad ka qaadaysay.

Aniga oo aan la igu tirinayn inta Siilaanyo majeerata haddana Ilaahay wuxu igu og yahay in aan goobta kala xishoon lahaa oo aanan fadhiisiyeen. Wuxu sidaa milgihii ummaddan tawsta iyo tabaalaha loo qoray ee kii mar kursiga fuulaaba ku jimicsanayo. Inta uu is-leeyahay waa ay kuugu daran yihiin uma ay quudheen goobtaa gabaahiirta ahayd. Waxa se geeyay intii uu naxariista iyo nasteexa u arkayay. Timacadde ayaa laga hayaa: “Garbo-duub haddaad uga xidhood, gaadhna ka ahaato, Gacantii nin lihi goynayaa, way gommodontaa,”

Hadalku wuxu ku bilaabmay nin yidhi waxaan ku hadlayaa magaca Xisbiga Waddani. Wax badan ma dhiiqin oo aan ahayn wax u ekaa xukuumaddani wax badan ayay qabatay. Ninkaa weyn ee magaca Xisbiga Waddani ku hadlayay catow iyo cabaad ayaa ka dhammaaday. Madaxweynaha mar Aaabbo wuu ku yidhi. Marna Adeer ayuu ku yidhi. Isaga oo Awow soo wata ayuu hadalkii ka go’ay.

Bal muxuu haddaa mucaarad isugu sheegayaa miyuu cadceedaha ka hadh-galo. Beryihii Jabhaddii SNM ayaa hadal-hayntu u badnayd: “Hebel wuu galay.” Waxa ku xigay Ina Bisadka dheer oo magaca UCID ku hadlayay oo isaguna intii ninkaa hore yidhi ku celiyay. Nin saddexaad ayaa baashii midigta ee aanu shaashadda ka fadhinay ka kacay, ku-ye Xukuumaddu wax wanaagsan ayay qabatay. Malahayga afka Kulmiye ayuu ku hadlayay. Isu-geyn saddexankaasi malahayga saddex daqiiqadoodna ma ay hadlayn.

Wasiirka Waxbarashada ayaa khudbad gaabnayd la oogsatay. Beytal-qasiidku wuxu ahaa dadka Xukuumadda wax ka sheegaa waa beenaalayaal ee Cafis ha soo dalbadeen. Subxaan! Hadda waa Ramadaan dabayaaqadeedii oo Ilaaha Maxamed samo ku uumay la hor taagan yahay oo baryada gacmaha la hoorsanayo.

Xukuumadda shacbiga buuggii ballan-qaadyada ahaa ku ololaysay ee aanay waxba ka qaban, Xukuumadda dejisay ee daabacday Qorshaha Horumarinta Shanta sannadood ah iyo Hiigsiga (Vision-ka) 30ka sannadood ah ee wajaqaha waddo-walafku ku dhacay ee shanta Kiilo Mitir hadba dirqiga xadhigga kaga jaraysa ayaa beenta sheegtay oo lagu hayaa. Annaga ma aha. Cayda iyo habaarkuba dibadda weeyaan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hadalkii ku wareegay. Qodobkii Cafiska wuu ku celiyay, wuxuu se qirtay in ay dhalliilo jiraan.

Dadku waxay doorteen oo xil saarteen: Madaxweyne, Madaxweyne-ku-xigeen iyo Golaha Wakiillada. Kuwaas ayaa lala xisaabtamaya oo dadweynaha xisaabtan ka dhexeeyaa. Wasiir iyo Agaasimayaal ay intaasi sii adeegsatay hawl annaga noo taal ma aha, in kasta oo aanu xaq iyo xurmaba u leenahay in aanu wax-qabadkooda iyo hawl-galkoodaba faallaynno oo qiimayn ku samaynno.

Marka hore Ilaaha weyn ee Waaxidka ah ayaa wax cafiya. Awooddaasi isaga ayay u sugnaatay oo keli ku ah. Haddii laga tegi waayo, cidda kale ee mudan in cafis la weydiistaa waa shacbiga…..Waa ummadda iska leh karaamada dalka iyo dadkaba.

Madaxweyne aanu u doorannay in uu noo adeego muddo kooban oo xaddidan oo awoodo xaddidan oo dastuuriya loo asteeyay, ma ay ahayn in uu nagu yidhaahdo cafis ii soo qorta. Waxaanu leenahay adigu cafis weydiiso Ilaahay iyo ummaddaadaba si lagaaga dhaafo dibudhicii dal iyo dadba ku habsaday intii aad talada haysay oo weli sii socda.

Doobiyada buuxa ee dan-yarta laga xaday haddii aanu dabo-gal ku samaynay oo dadka u soo bandhignay, ma Deyrkii Maka ayaanu gubnay? Aniga ha la i ammaano macnaheedu waa maxay? Maxaa la idin ku ammaanaa ee aad qabateen? Wixii xukuumadi qaban lahayd ayaa la idiin diray. Xilkaa ma aydin wada gudan,. Maxaad ammaanta ku doonaysaan?

Xukuumad waxa la ammaana oo ay mudataa marka qorshihii wax-qabad ee ay dhigatay ka soo baxdo ee ay weliba wax dheeraad ah oo aan hore u qorshaysnayn ku soo darto. Waa marka ay wafayso ee ay raxayso. Far waaweyn aan idiin ku dhigo. Xagga waddooyinka aan ka qabsado, kuwaas ayay dhego u leedahaye. Xukuumad baa ballan-qaadday muddo shan sannadood ah in ay ku dhisto 20 laammi oo intaas oo Kiilo Mitir ah iyo tafaasiishii kale ee raacaysay. Haddii ay qorshahaas dhammayso oo ay 5 laammi oo kale ku darto ama ka badanba, ammaan iyo sacab ayay mudan tahay iyo weliba naash-naash.

Bal se haddii tii keli ahayd ee Madaxtooyada hor maraysay biyihii roobkuba fadhiyaan oo ay berri hadba meel ka daacayso maxaa lagu ammaanaa ama loogu heesaa. Bal u fiirsada tiiraarka dheelliyay, dillaamay ee kadinka Madaxtooyada ku teedsan ee xadhkaha tilifoonnada iyo laydhku maraaan. Ma taasaa Seylac iyo Saraar gaadhaysa.

Dadweynuhu inta ay aamminsan yihiin xurmada iyo karaamada Eebbahay siiyay cidna cafis ma weydiistaan gacmahana ma hoorsadaan. Xaasha! Ciddii hoorsan jirtay ayaa hoorsanaysa. Cidda mudan in cafiska la weydiistaana waa Ilaahay. Haddi cid kale la soo qaado waa dadweynaha. Madaxweyne, waxaynu ku ballansan nahay 26ka Juun ee 2015ka in aad soo qorato cafiskaaga oo aad mar kale na weydiisato in aad xilka ku soo noqota iyo in kale. Go’aankana annaga ayaa iska leh. Rajada aad jawaab togan ku helaysaana aad iyo aad ayay u liidataa. Bushaaradaadu waa taas.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Dhammaad