Mudane Madaxweyne, La Taliyaaha Beelaha Gabooye Mudane Barkhada Jamac Xirsi Waxa Uu U Qalmaa Wasiir – W/Q: Maxamed Cabdi Jaamac

barkhadAsalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato, Marka Hore Waxa Aan Salaamayaa Dhammaan Warbaahinta Xorta Ah Ee Reer Somaliland Iyo Akhristayaasha Sharafta Badan Iyo Dhammaan Bulsho Weynta Reer Somaliland Bacdal Salaan.

Waxaan Qalinka U Qaatay Inaan Wax Ka Qoro Ama Ka Idhaahdo Mawduuca Aan Ciwaanka Uga Dhigay Maqaalkaygan “Mudane Madaxweyne La Taliyaaha Beelaha Gabooye Mudane Barkhada Jamac Xirsi Waxa Uu U Qalmaa Wasiir “Beesha Gabooye Waa Beel Culus Oo Balaadhan Mug Iyo Sharaf Ku Leh Dhamaan Gobolada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland,

Mudane Madaxweyne Waa Beesha Qudha Reer Somaliland Ee Aan Ku Lahayn Agaasime Waaxdeed, Gudoomiye Degmo, Gobol, Gudoomiye Maxkamadeed, Xoghaye Dawleed, Gudoomiye Komishanada Madax Banaan, Maayir, Gaashaanle Sare, Xildhibaan Gole Deegaan, Xildhibaan Golaha Wakiilada, Gudoomiye Waaxdeed, Agaasime Guud , Wasiir Dawlde, Wasiir Kuxigeen, Iyo Wasiir Midna Aan Ku Lahayd Somaliland, Markaa Miyaaan La Odhan Karayn Beesha Gabooye Muuse Dhariyo Waa Ay Ku Dulman Tahay Dalka Somaliland, Marka Aad Eegtida Dastuurka Iyo Xeerarka Dalka U Yaala Waxay Dhigyaan In Muwaadiinta Reer Somaliland Ay U Siman Yihiin Dalka, Iyada Oo Aan Loo Kala Saarayn Qabiil Iyo Isir Midnaba , Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batun wuxu kamid yahay dhalinyarada dalka gaar ahaan kuwooda ugu cadcad dhanka muuqa iyo magacaba,

“Xukumada Madaxweyne Siilaanyo Ee Arrintan Garwadeenka Ka Ah Waxaan Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland” , Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Aan Ku Soo Gabo Gabayn Lahaa Maqaalkaygan Kooban , Waxa Aan U Soo Jeedin Lahaa Xukumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Muxumed Siilaanyo In Ay Dib Ugu Noqoto Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Si Ay Somaliland U Noqoto Qaran Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Dalka

 

Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac

Email: Mohamedudoode@Hotmail.Com