Mudane Madaxweyne, Kala Dooro Qaranka iyo Guurtida

QALINMaanta waynu wada qirsanahay halka dalku marayo,waxaynu dhex muquuranay mawjado siyaasadeed oo murugsan.Halkaana waxa gaadhsiiyay go’aankii guurtida ee aan si qoto dheer oo cilmiyaysan looga fiirsan.

Guurtidu may tixgelin soo jeedintii komishanka doorashooyinka qaranka,manay eegin danta dalku halkay ku jirto balse waxay eegeen uun dantooda ayagoo ogg inay sharci darro ku fadhiyaan golaha.Muran kama taagna 24ka sanno ee ay guurtidu golaha fadhiyeen 6sanno inay sharci ku fadhiyeen balse 18kii sanno ee ugu danbeeyay ayaga uun baa shaanbada isugu dhufanayay,waana sharci darro.

Markaa gole sharci darro ma ka talin karaa dalka! Waa maya. Fursadaana waxa siiyay qaybinta shacabka la kala qaybiyay.

Mudane Madaxweyne,markaynu sidaa isla ognahay ee aad adiguna daadinfaysay sharciyada ay guurtidu ku fadhido golaha sannadkii 2009kii ma waxaad dann u aragtaa kordhinta guurtida oo dalka halis ku ah mise waxaad dann u aragtaa inaad sida dadka iyo dalka-ba u dann ah yeesho! Mudane Madaxweyne maah-maah Somalilander ah ayaa tidhaa (Talada adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola).

Xaalada dalku waxay maraysaa meel adag,arrinkuna waxa uu innaga galay goob jiqin-jiqis ah,waana bartii nin ragii kala soo bixi jiray,calool adayg iyo go’aan geesi-nimo leh qaadan jiray,waana ta lagaa sugayo mudane madaxweyne.

Hadaad eegto aragtiyaha kooxda kugu xeeran waxay kugu hogaaminaysaa calool jilayc iyo go’aan shacabka qas gelin doona.Taasi waa hubaal oo koox dadka iyo dalka midna aan u damqanayn una naxayn,tooda uuni la culus-tahay ayaa dhegaha kaaga xoonsan,taladoodana waa lagu jabayaa.Madaxweyne adigaa gogosha fidiyay balse xubnaha aad wadahadalada u soo dirtay marka laga reebo kuxigeen-kaagga maaha ragg wanaag ka talinaaya,waa niman ka indho la’ xaalada muran.Waxa haboon xubno dannta qaranka garan kara oo aan soo hor-marinayn tood inaad gogosha u dirtid.

Mar hadii laga guuray dastuurkii iyo sharuucdii dalka oo geedka isla tagnay madaxweyne adigaa gogosha fidiyay ee taladu yaanay kaa qaloocan waxaanan maqlay marxuum-kii ina-sanway-nana awoow ayuu kuu ahaaye.

Madaxweyne hadaynu eegno cimilada goorta doorasho dalka laga qaban karo ee ay shacabka ballaadhan ee xoolo dhaqatada ahi waxa ku haboon bisha August 2016.Taasaana lagaga baxayaa murugga siyaasadeed ee dalka ka oogan.Madaxweyne maanta waxa ku hor yaal inaad doorato qaranka iyo inaad doorato guurtida.

Xuseen Xasan Badmaax

4026100

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL