Mudane Madaxweyn Magacaabista Wasiir, Agaasime Guud . Agaasime Waaxdeed Iyo Xoghayaasha Dawladaha Hoose Dalka Miyayna Geyin Beelaha Gabooye?

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato. Waxaan Halkan Aad Uga Salaamayaa Bahda Shabakada Webstyada Dalka ee hadh iyo habeenba wararka ugu doorka roon u soo gudbiya bulshadadooda.

Waxa Aan Marlabaad Salaamaya Akhristayaasha Sharafta Mudan , Hadii Aan U Soo Dhaadhaco Ujeedda Qoraalkaygan Mudane Madaxweyn Magacaabista Wasiir, Agaasime Guud . Agaasime Waaxdeed Iyo Xoghayaasha Dawladaha Hoose Dalka Miyaa Ayna Geeyin Beelaha Gabooye,

Waxa Aad Sameeysaa Isku Shaandhayna, Isku Bedel Iyo Magaacaabid Xilal Cusub, Inta Aan Soo Sheegayba Kama Dhex Muuqaan Beelahan Gabooye, Mudane Madaxweyne Su’aashu Ma Waxay Tahay Beelahan Gabooye Ayaa Aan Qaban Karin Xilalkan Mise Qalinka Madaxweynaha Ayaa Aan Qaban Dadyowgan, Mise Mama Aha Muwaadiin Aan Dalkan U Dhalan Halkee Aya Sartu Ka Qudhan Santahay

Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Mudane Madaxweyne Dadyowgan Waxa Ay U Bahan Yihiin In Laga Qayb Galiyo Talada Dalka Oo Xilal Qiime Leh Loo Dhiibo

 

Qalinkii : Mohamed Abdi Jamac

Mohamedudoode@hotmail.com

Hargeisa Somaliland