Mudane ka tirsan Golaha Guurtida oo baaq Qayblo-dhaan ah u diray Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ah

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-Indho) oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha Gar-gaarka Caalamiga ah ugu baaqay in gurmad deg-deg ah lala gaadho shacabka Gobolka Sool ee Abaaruhu saameeyeen.

Mudane  Indho-Indho oo ka mid ah xildhibaannada Golayaasha baarlamanka ee ka soo Jeeda gobolka Sool oo maanta u warramay HCTV,  waxa uu ka deyriyey xaaladda nololeed ee reer guuraaga iyo dadka magaalooyinka ku nool ee gobolka Sool, waxaanu ku baaqay inay xukuumaddu gurmad laxaad leh gaadhsiiso shacabkaas deegaanadaas oo aan helin roobabkii Deyrta.

Hoos ka Dhaawo Baaqa Xildhibaanka

SOMALILANDPOST.NET