Mudane Ka Tirsan Golaha Deegaanka Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Ku Eedeeyay In Uu Maroorsaday Shaqadii Maamulka Caasimadda

wewHargeysa (SLpost)- Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa, dhaliilo iyo qodobo adag usoo jeediyay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo uu ku dhaliilay in uu faragalin ku sameeyay Shaqadii Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa isagoo sigaar ah farta ugu fiiqey howsha marista jidadka Caasimada oo aanu kala tashan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo Qoraal dheer oo uu kaga hadlayo arintaas islamarkaana, uu u cuskadey xeerarka iyo shuruucda Golaha Deegaanka Caasimada uyaala iyo xuduuda u dhexeysa sida ay howlaha qaar ukala leeyihiin Xukuumada dhexe gaar ahaana wadashaqeynta ka dhexeysa Wasaarada Arimaha Gudaha oo Wasiir Warancade marar badan baal marey xeerarkaasi.

Xidhibaan Maxamed Cabdi Yoon ayaa noqonaya Xildhibaankii u horeeyay ee ka hadla nidaamka waddo-marista Caasimadda Hargeysa ee saaka dhaqan gashey kadib markii uu dhawaan digreeto kasoo saarey wasiirku, ayaa arrintan uga hadlay qaab sharci ah isaga oo soo bandhigay xeerarka iyo shuruucda u dejisan kala-xadaysnaanta shaqo ee Dawladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaa sidan:- “Xilli ay wasaarada arimaha guduhu ku fashilantay sidii ay uga hawl gali lahayd kala xadaynta maamulka gobolada iyo degmooyinka sida ku xusan xeer lam. 23 ee ismaamulka gobalad iyo degmooyinka qodobkiisa 9aad oo ah kala xadaynta xuduudah iyo soohdimaha degmooyinka  taas oo arin dhib daban ku haysa bulshada Somaliland, gaar ahaan nabadgalyada.

Xilli amniga dalka guud ahaan meel xun marayo, gaar ahaan caasimada dalka ee Hargeysa oo ay ku soo korodhay tuugadu oo meel halis ah maraysa, sida gawaadhida loo yaqaan tukhaanka amaba raaxada oo inta sakadaha magaalada la istaajiyo lagu tuugaysto oo dadka lagaga qaado mobilada iyo labtop yada ay sidtaan, gaar ahaan ardayda iyo dadka shaqaalaha ahi oo lagu baxsado gawaadhidaas, taasna waxa ay soo kordhisay tuugii la qaban jiray ee lagu qaylin jiray in la gaadhiba waayo oo ay fakadaan.

Xilli ay jiraan kooxo budhcad ah oo magacyo samaystay oo caasimada hargaysa ku haya arimo khalkhal galinaya nabadgaliyada wadanka guud ahaan.

Hadaba wasaarada arimaha guduhu oo ay ahayd inay wax ka qabato arimahaas aan kor kusoo xusay ayaa wasaarkii wuxuu hayaa shaqo aan shaqadiisii ahayn sida kuwan soo socda:

Waxa jirta in Wasaarada Arimaha Guduhu oo uu hormood u yahay Wasiirka Wasaaradaasi isaga oo aan waxba naga waydiin oo aan nagala tashan uu ku dhaqaaqay go’aan uu iskii u qaaday oo uu ku goostay lacagtii kabka ee dawlada hoose oo muddadii 4 bilood oo ka mid ah sanadkii 2013, kabkaasina uu yahay mid uu waajibiyay xeerka midaynta cashuuraha oo sheegaya in kabkaasi yahay cashuur ay dawlada dhexe u qaaday dawlada hoose, isla markaana usoo celiso dawladdaha hoos ee ayna ahayn lacag ay siiso. Kabkaasina maaha mid wasiirka iyo wasaaradiisu lahay, balse waxa uu yahay mid loo qoondeeyay Dawlada Hoose si ay ugu fuliso danaha shacabka iyo qaranka ee loo igmaday. Iyadoo sidaas ay tahay, kamaanaan hadal, waayo waxaanu uga gaabsanay markii aanu ogaanay in loo gooyay in lagu fuliyo hawsha diiwaangelinta madaniga ah, oo loogu tallo galay in lagu qaato kaadhka aqoonsiga muwaadinka, taas oo ah arrin dan qaran.

Hadaba arintani waa midka mida waxyaabihii ay dawlada kulmiye ku dhaliili jirtay in xukuumadii hore ee uu hogaaminayay xisbigii UDUB  in lacagta kabka dawladdaha hoose lagu galay olole doorasho, lacagtaa 4 bilood ee hore waanu dulqaadanay maadaamo oo lagu qabanayey mashruuc weyn ee diiwaangalinta madaniga ah, hadaba wasiirka arimaha guduhu way ka suurtowdaa inuu yidhaa “lacagta kabka ee 4 bilood ee dambana olollaha doorashada ayaa lagu galayaa”.

Waxa aan iftiiminaynaa in shaqo maalmeedka dawlada hoose ee degmada hargaysi ka dhaqaaqi la yahay, fulinta la,aanta go,aamada ee dawlada dhexe gaar ahaan booliska.  oo muhiim u ah dhanka wadashaqaynta maadaamo oo ayna dawladaha hoose lahayn ciidan u gaar, kaas oo ka caawiya arimaha ay ka midka yihiin, cashuur ururinta, dhismayaasha sharci darada lagu dhisayo oo la joojiyo, wadooyinka oo xashiiska laga illaaliyo cidii fulin waydana lagu ganaaxo, wadooyinka lagu dhex ganacsado, arimaah oo dhamaantood u baahan ciidan loo adeegsado fulinta hawlahaas, sida ku xusan Xeer Lam. 23 ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka, Qodobka 36’aad XILKA GOLAHA DEEGAANKA: Farqaddiisa 1) Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho dhalintiisa ee ku jira xadka Degmadooda, sida:

A) Xoojinta iyo kor u qaadista Nabadda, deganaanshaha, kala dambaynta iyo wanaajinta xukunka Dawliga ah.

Sidoo kale Qodobka 17’aad: xidhiidhka laamaha dawladda dhexe ee heer degmo iyo golaha deegaanka:  

Farqada (1). Degmo kastaa waxay yeelanaysaa Gudoomiye Degmo (DC) oo ah Duqa

Degmada (Mayor). Xilka Gudoomiyaha Degmada waa: (c) Waa Madaxa Hay’adaha Nabad Gelyada Ee Heer Degmo.

Farqada (7) Madaxda laamaha Dawladda iyo Taliyayaasha ciidamada ee heer degmo

iyaga oo ka tirsan hay’adahoodii, waxay u hogaansamayaan talooyinka iyo awaamiirta kale ee kasoo fula gudoomiyaha Degmada, isla markaasna waxay si joogto ah ula socodsiinayaan warbixin maalmeedka (daily report), Bileedka (monthly) iyo tan sannadkaba (yearly).

Farqada (8aad): Gudoomiyaha Degmadu mar kasta oo baahi shaqo ka timaado dhinacyada nabadgelyada iyo maamulkaba, wuxuu ku amrayaa taliyaha saldhiga booliska (District police commissioneer)ee degmada inuu hawlgelyo

Farqada (9aad): Taliyaha Saldhigana waxa waajib ku ah inuu fuliyo awaamiirtaas kazoo baxday gudoomiyaha degmada, isaga oo la socodsiinaya taliskiisii ciidan ee Gobol iyo Guudba.

qodabadani waxay awood u siinaya gudoomiya degmada hawlahaas inuu la kaashado booliiska, isla markaana taliyayaasha saldhigyadu fuliyaan awaamiirta maayorka,  lkn dhamaanba hawlahaa uu sheegayo sharcigu waxa maroorsatay Wasaarada Arrimaha Gudaha, iyo taliyah bileyska, waana ta ragaadisay dawlado hoose ee caasimadda isla markaana caqabada ku ah horumarka caasimada, waayo booliskuba waxay ka amar qaataan taliyaha bileyska.

Sidaas oo kale Xeer Lam. 23 ee ismaamulka gobolada iyo degmooyinka,

Qodobka 36’aad XILKA GOLAHA DEEGAANKA: Farqaddiisa 1aad, xarfahiisa L, M, N wuxuu dhigayaa sidan:

1) Golaha Deegaanka wuxuu awood buuxda u leeyahay hawl kasta oo ka mid ah kuwa lagu tilmaamay qodobkan oo looga fadhiyo ka midho dhalintiisa ee ku jira xadka Degmadooda, sida:

L) Samaynta iyo dayac tirka wadooyinka.

M) Soo jeedinta iyo codsiga wax ka beddalka iyo habaynta Naqshadda magaalooyinka Degmadu ka kooban tahay.

N) Diiwaan gelinta dadweynaha Degmada

Sida qodobadaasi xuseen, dawlada hoose uma madaxbanaan arimahan. Taasna waxa ay tahay in aan dawlada dhexe, gaar ahaan wasaarada arrimaha guduhu ogalayn madaxbanaanshaha fulinta hawlmaalmeedka dawlada hoose u xilsaaran tahay, taas oo ragaadin iyo dib-u-dhac ku haysa horumarinta degamada hargeysa. Tusaale ahaan hadaan usoo qaato Qodobka 36’aad XILKA GOLAHA DEEGAANKA: Farqaddiisa 1aad, xarfahiisa N, awooda waxa uu siinayaa in dawladaha hoose ay fuliyaan diiwaan galinta madaniga ah waana mid ka mid waxyaabaha sharci daradda ah ee uu wasiirku wasaaradu sameeyey, isla markaana uu maroorsaday awoodii sharci ee dawlada hoose lahayd.

Waxaa dhacday wakhtigii aanu dhigaynay marmarka wadada koowaad (raod number 1) ee caasimada, isla markaana wasiirka wasaarada arrimaha guduhu Mudane Cali Maxamed Warancade yidhi “waxaan idin farayaa in la dhigo marmar” taasina waxa ay gef iyo meel ka dhac ku ahayd golaha degaanka, oo aanu waajib u lahayn in uu amar siiyo, laakiin ay ahayd in wadashaqayni ka dhaxayso.

Hadaba intaas oo qudha kumuu joogin wasiirka arrimaha gudahu, ee Waxa uu ku dhaqaaqay maanta go’aan aanu wax wadatashi ah kala yeelan golaha deegaanka ee caasimada hargeysa , ogaysiinna ha ahaatee, taas oo uu ku dhawaaqay in wadadada halbawlaha caasimada ee wadadada koowaad loo yaqaan uu yidhaa “waxa aan ka dhigayaa halhaad”,  hadaba waxaan idiin sheegayaa in golaha degaanka iyo dawlada hoose ee hargeysa qorshahoodu ahaa in wadadaa la balaadhiyo oo dhinac walba laga kordhiyo afar mitir si wadadu u noqoto wado waafi ah oo afar haad ah, taasna waa kaaf iyo kala dheeri .

Gole degaan ahaan iyo dawlad hoose ahaanba waxaa noo qorshaysnaa in wadada halbawlaha magaalada hargeysa, inta u dhaxay bar-hargeysa illaa iyo wadada bari ka marta tiyaatarka hargeysa, aanu ugu tallo galnay in laga dhigo (gelid “IN”) iyo (Bixid “OUT”) wadooyinka soo gala tusaale ahaan waddada Gargaar Hotel ama Dahabshiil ay u tahay (Bixid “OUT”), ta khayriyadana laga dhigo  (gelid “IN”). balse inta ka horeysa la sameeyo calaamadihii lagu kala garan lahaa ee ay gaadiidku ku aqoonsan lahaayeen isla mar ahaantaana la sameeyo wacyi galin lagu baraarujiyo gaadiidlayda qorshaha loo dejiyay jidadka magaalada.

Wasaarada arrimaha guduhu waxa ay soo saartaa dekreetooyin aan ku fadhiyin wadatashi iyo is afgarad u dhexeeya hayadaha dawlada ee hawsha ay khusayso, taasina waxa dhaawaca ku tahay in madaxbanaani ay hesho Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, sida uu jideeyay xeerka ismaamulka gobalada iyo degmooyinku qodobkiisa 17aad oo qeexaya sida kor ku xusan xidhiidhka laamaha dawlada dhexe iyo heer degmo iyo golaha degaanka.

Hadaba si ku xusan  Xeerka wadamarista qodabkiisa 4aad: Masuuliyada maaulka Wadooyinka:

1) Wadooyinka magaalooyinka dhexdooda ah waxaa ka masuula golayaasha deegaanka, masuuliyadahaasna waxa ka mida ah:

B) Dhismaha, dayactirka, bilicda iftiiminta wadooyinka, lambareynta, magic bixinta, calaamadaynta iyo sharciyeynta

S) awooda banaynta iyo xidhida wadooyinka si ku-meelgaadh ahaan ah, iyo si rasmi ahba wadooyinkii hore iyo kuwa cusuba, sababa macquula oo la xidhiidh horumarinta baahiyaha danta guud, bilicda magaaladda, iyo duruufaha kale ee sababa macquul ah leh.

2) Masuuliyiinta Golayaasha Deegaanku waxay u adeegsan doonaan fulinta masuuliyadahan ciidanka nabadgaliyada wadooyinka

Xeerarkani Waxay cadeyn marag-ma-doon ah u tahay in aan wasiirka wasaaradda arrimaha guduhu aanu awood sharci u lahayn inuu badalo haadka wadooyinka caasimada, lkn ay tahay masuuliyada golaha deegaanka caasimada hargeysa sida xeerarkani sheegayaan.

Sidoo kale waxay muujinaysaa inaanay wasaarada arimaha guduhu wadashaqayn suuban la lahayn golaha caasimada hargeysa laakiin uu wasiirku u haysto inay ka tirsan yihiin shaqaalaha wasaaradiisa, isaga oo uga faa,iidaysanaya inuu maayoradda ugu hanjabo inuu qaban doono kalfadhiyada aan caadiga ahayn ee ay ka soo codsadaan xuibnaha mucaaridka ku ah maayorka ee golaha deegaanku.

Tusaale ahaan, Waxa kale oo ah ayaan darro ah, in maalinta madaxwaynuhu u baxayo hawl qaran la baabiiyo dhamaanba qalabka iyo agabka dadka danyarta ah ee ku ganacsada wadooyinka. Waa su’aale maxaa hore looga shaqayn waayay oo looga hawl gali waayay hagaajinta jidadka magaalada oo ah in la baneeyo , maalmaha kale? Taasina waxa jawaabteedu tahay, oo  aan ku dhaliilayo dawlada hoose ee degmada hargeysa, uu hormood ka yahay Maayarka, Wasiirka arimaha gudaha iyo taliyaha bilayska, waayo maaha in maalinta madaxwaynuhu baxayo aad ku dhaqaaqdaan hawl maalmeed loo baahnaa inuu joogta ahaado sida banaynta wadooyinka, nadaafada. Hadaba waxaa iswaydiin leh ma maalinta madaxweynuhu baxayo, ayay qalad tahay ku ganacsiga dadka ee wadada dhexdeedu, oo aad banaysaan dadka dhex dagan, maxaa ay dawlada hoose u waydaa boolis ka caawiya maalmaha kale bananyta wadooyinka.

Hadal dhamaanm, anigu xildhibaan ahaan waxaan soojeedinayaa:

1) In haayadaha dawlada mid walba shaqadeeda loo daayo laguna ixtiraamo, kuway wada shaqayntu ka dhaxaysaana ay xidhiidh fiican oo joogta ah yeeshaan si ay u hagaagto meelmarinta danta guud ee qaranka, bulshaduna u hesho adeegyadii ay xaqa ugu lahaayeen.

2) In aanay haayadba haayadda kale shaqadii ay lahayn aanay u gacan dhaafin, iyada oo ka faaiidaysanaysa qabyooyinka sharci ee jira.

3) In masuuliyiint dawlada dhexe ay ilaaliyaan sharciyada wadanka, isla markaan ay ku dhaqmaan talaaba kasta oo ay qaadayaan

4) In la dhaqangaliyo Lana abuuro wada-shaqayn rasmi ah oo ka dhaxaysa dawlada dhexe iyo dawladaha hoose ee jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu dambayn hadaanu nahay Glayaasha deeganka, gaar ahaan golaha caasimadda Hargeysa waxaan ka codsanaynaa  Madexweynaha Jamhuuriyadda S.land Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) In la abuuro boolis u gaar ah Dawladaha hoose, ama aad noo amarto bileyska inay noola shaqeeyaan sida uu sharcigu dhigayo. Taasi ayey ku hirgali kartaa Madaxweyne in la helo horumar iyo waxqabad muuqda oo ay sameeyaan dawladaha hoose, isla markaana sumcadeeda aad ku suntanaan doonto,  waayo waxaad tahay hogaamiyaha qaranka JSL,” sidaas ayuu xildhibaanku ku yidhi qoraalkiisan.

SOMALILANDPOST.NET