Mudane ka tirsan Aqalka Odayaasha Ingiriiska oo lagu eedeeyey inuu Abaalgud Lacageed ugu yaboohay Ciddii Gacanta ku soo dhigta Madaxweynaha Maraykanka

London, 16 April, 2012 (SLpost)- Mudane Aqalka Odayaasha Ingiriiska ugu jira Xisbiga Labour-ka ayaa Mansabkii Xildhibaanimo si ku-meel gaadh ah loo laaley ka dib markii, sida lagu eedaynayo, uu ku yaboohay abaalgud lacageed oo £10 Milyan oo Gini tas oo uu siinayo Ciddii soo qabata Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Mudanahan oo la yidhaahdo [Lord] Ahmed lagana soo doortay deegaanka ayaa lacagtan ku yabobay ka dib markii uu Maraykanku shaaciyey in $10 Milyan oo Dollar la siinayo ciddii gacanta ku soo galisa Hafiz Muhammed Saeed oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyey weerarradii argagixiso ee sannadkii 2008 ka dhacay magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Sheekha Maraykanku Abaal-gudka lacageed Dul-dhigay

Waxa laga sheegay inuu Mudanahani ku macneeyey abaal-gudka Marakanku ku bixinayo Mr. Saeed, oo la sheego inuu aasaasay urur Islaami ah la yidhaahdo Lashkar-e-Taiba (LeT), mid lagu caayayo Muslimiinta Adduunka.

Mudanahan oo u Dhashay dalka Pakistan isla markaana noqday qofkii ugu ee Muslim ah ee ka mid noqda Aqalka Odayaasha Ingiriiska, waxa uuu Mr Obama ku eedeeyey inuu meel kagaga dhacay sharafta Umadda Muslimiinta ah, isaga oo dhanka kale xusay in abaal-gudka uu ku yaboohay uu sidoo kale u dhigmo beddelkiisa haddii gacanta lagu soo dhigo Madaxweynihii hore ee Maraykanka George W. Bush.

Madaxweynaha Maraykanka

Jariiradda dalka Pakistan ka soo baxda ee Express Tribune ayaa sheegtay in Mudane Ahmed weedhahan uu ka yidhi Munaasibad lagu soo dhaweeyey oo ka qabsoontay magaalada Haripur.

Afhayeen u hadlay Xisbiga Labour-ka ayaa sheegay in laaleen xubinimada Axmed ilaa inta baadhitaan la sameynayo, “Haddii wararka la sheegayaa dhab noqdaan, si xun ayaanu u cambaareynaynaa weedhahan oo wax aan la aqbali Karin ah,” ayuu yidhi Patrick Mercer, afhayeenka xisbiga Labour.

“Waan u halgamayaa inaan arko dhiirri-gelinta madaxweynaha Maraykanka oo la soo xidho ay ugu habboontahay inay ka soo baxdo qof huwan sharafta xubinimada Aqalka Odayaasha oo ah mid ka mid ah tiirarka Baarlamaanka dalkan,” ayuu yidhi afhayeenku.

Si kastaba ha ahaatee, Mudane Ahmed waxa uu beeniyey inuu ku yaboohay abaal-gudka balse waxa uu sheegay inuu Munaasidda lagu soo dhaweeyey ka sheegay in dambi-dagaal oo bani’aadanimada ka dhan ah lagu soo oogo Mr. Bush iyo raysalwasaarihii hore ee Ingiriiska Tony Blair.

Md. Ahmed oo isaga oo jooga Pakistan warbaahinta dalka Ingiriiska la xidhiidhay, waxa uu sheegay in Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Labour-ku aanay cidi kala soo hadal ka hor intii aan la shaacin Warka shakiga abuuray.

“Ma waxay laaleen xubinimadaydii? Taasi wax lala yaabo ayey ila tahay. Waligay kelmadahaas ma odhan, Abaal-gudna kumaan yaboohin,” ayuu yidhi Mudanahan la eedeeyey.

Isaga oo intaas ku daray, “Waxaan sheegay inay jireen dambiyo-dagaal oo laga galay dalalka Ciraaq iyo Afghanistan iyo shakhsiyaadka si xooggan loo eedaynayo dambiyadaas oo ah George W. Bush iyo Tony Blair, lana hor geeyo cadaaladda.”

“Uma malaynayo inay jiraan wax intaas ku jaban. Haddii Xisbiga Labour uu rabo inuu xubinimadayda laalo, waxaan kala xisaabtamayaa iyaga. Waa inay caddayn buuxda isoo hordhigaan,” ayuu raaciyey.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net