Aqoonyahan Jamaal Cali Xussein, oo la hadlaaya Beeralayda Arabsiyo, ayaa ku tilmaamay Miisaaniyadda korodhay inay tahay cashuur dheeraad oo laga qaadaayo BEERALAYDA & XOOLO DHAQATADA . Aqoonyahan Jamaal muu GARAN halka ay kasoo baxayso korodhka la sheegay ee BUDGETKA 2015 . korodhku wuxuu ku fadhiya “ Exchange Rate Manipulation” ,oo ah faraqa u dhaxeeya sarifka aan salka lahayn ee lagu bedelay miisaaniyada (( 1 Us Dollar = Sh 4,300 )) iyo sicirka dhabta ee suuqa (( actual market rate – 1 US Dollar = Sh 7,200 )).
Sida ku qeexan shaxda hoos ku qoran, 2015 Budget waxa lagu odorosay Somaliland shilling 1,080 Billion (( 1.08 trillion ). Marka sarifka suuqa (( 1US $ = 7,200)), lagu beddelo ,waxay Miisaanayaddu noqonaysa $ 150 Million. Marka lagu beddelo SAMALE RATE (( 1 Us $ = Sh. 4,300 )) waxay Miisaaniyadu noqonaysaa $ 251 Million.Faraqa labada u dhaxeeyaa waa $ 101 Million. (( Very straight forward calculation.).Wasiir Samaale, Madaxwayne Siilaanyo, iyo La-taliyaashooda Dhaqaalahushacabka umay sheegin Samaale Rate (( 1US dollar = Sh 4,300 )) halka ay kasoo amaahdeen iyo cilmiga dhaqaale uu ku qotomo.(( Fiscal & Monetary Theory )). Adduunka weli kamay dhacin sicir isway-daarin intaa leeg (( Exchange rate manipulation of +40% )).Xukuumadaha caalamku marka ay Miisaaniyadaha ku bedelyaanUS $ dollar, waxay ku bedelaan sicirka suuqa (( Prevailing rate))
Bal u fiirso. Askariga mushahaaro u qaata Somaliland shilling 720,000, wuxuu helaaya $ 100, markuu uu suuqa ka sarifto (( US $ 1=sh,7200)) .Haddii , lago beddelo Samaale Rate (( 1US = Sh 4,300)) wuxuu helayaa $ 170. Suurgal ma aha xaqiiqadana way ka fogtahay.
Budget 2015/ Shillings | Exchange rate/sarifka | SL.SH// | Budget US Dolars |
1,080 Billion | Samaale Rate | 4.300 | 251 Million |
1,080 Billion | Market rate | 7.200 | 150 Million |
Increase (Korodhka) | US $ 101 Million | ||
NB : Korodhka beenta ah : $ US 101 Million oo ku qotoma (( Exchange rate manipulation )). |
GUNANAND:
Sarifka lagu bedelay Miisaaniyada (1 US dollar = ShL 4,300) waa sarif aan jirin oo aan cilmi dhaqaale iyo caqli fayow midna ku qotomin.Wuxuu Somaliland u horseedi karaa khal-khal dhaqaale & Sicir barar . Wasiirka soo diyaariyay, Xildhibaanka duuduubka ku ansixiyay iyo Madaxwyne Siilaanyo waxay faraha la galeen khiyaamo dhaqaale “ Financial Crime” . Waxay shacabka usoo ban-dhigeen Miisaaniyad been abuur ah (( Forged Budget)). Aqoonyahan Jamaal, Hogaamiyayaasha labada xisbimucaarid & Xildhibanada ka dareeray ansaxinta miisaaniyadda, shacabka umay sheegin khiyaamada qaran ee xukuumadu lugaha kula jirto, ama weli waanay fahmin. Ugu danbayn, waxaan bulshada wanaagsan u soo bandhigi doona fadeexado kale oo ka muuqada Miissaaniydda 2015 sida :
- A) Hantida Guudoo la Xaraashi doona 2015.B) kharash xad dhaaf oo loo qoondeeyay Golaha Guurtida 2015 , si ay muddo kordhin u sameeyaan C)kharash xad dhaaf ah oo loogu talo galay Gurmadka deg-deg ah RRU/SPU /OPU –2015, si ay shacbka u cabudhiyaan…. ( la soco qormooyinka socda : Budget 2015 )
Hoodo Yusuf, UK, London.