Mudanayaasha Wakiillada oo ansixiyay wax-ka-bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen Xeer No:20


Hargeysa (SLpost)- Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa manta cod ku ansixiyay wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay Xeer No :20 oo ah Xeerka doorashooyinka dawladaha hoose iyo madaxtooyada.

Xeerkan oo ay hore u dalbadeen Guddida Doorashooyinka Qaranku in wax –ka-bedel ay ku sameeyaan Golaha Wakiilladu ayay Xildhibaannadu ka bedeleen in Doorashada lagu codeeyo hal qof iyo hal cod (One Man One Vote), isla markaana doorashada goleyaasha deegaanka dhawaan la qaban doono lagu galo bilaa diiwaangelin.

Fadhigii maanta oo uu shirgudoominayay guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilladu waxa madasha fadhiga ka soo xaadiray 43 mudane, waxa ogolaaday in la ansixiyo wax-ka-bedelka Xeer No:20 29 mudane, waxa diiday 8 mudane, halka ay ka aamuseen 5 mudane, guddoomiyuhuna muu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay xeerkaasi.

Xeerkan ayay hore komishanka doorashooyinku ugu soo celiyeen golaha wakiiladda si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo.