Mudanayaasha Waddani ugu Jira Golaha Wakiillada oo Mar Kale Doc-furay Dastuurkii Qaranka, Hanti-boob Qarsoonaana Daaha ka Feydey

Waxa isa soo taraya tabaha gurracan ee mudanayaasha Golaha ugu jira Xisbiga Waddani, oo uu horsed ka yahay Guddoomiye Cirro, ugu takrifalaan awoodaha iyo dhaqaalaha Qaranku Dastuurka ugu waajibiyey Golaha Wakiillada.

Waxa hadda laga joogaa muddo kooban markii Golaha Guurtida (Ilaahay cimrigooda ha dheereeyee) ay soo af jareen khilaaf ka aloosmay baalmar cad oo Dastuurka Jamhuuriyadda iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada uu ku sameeyey Guddoomiye Cirro oo ay ku tukhuntukheeyeen mudanayaal xisbigiisa ah, oo feedh iyo baastoolado doodooda ku soo gudbiya. Waxa Golaha Guurtidu waxba-kama-jiraan ka soo qaaday ku-tumashadii Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ula badheedhay milgada sharci ee Goluhu ku dhaqmayey, laguna dhisay.

kolWaxa la yaab noqotay Golaha Wakiillada, oo ay wataan xildhibaannadeeda Waddani, oo leh xafiis Goluhu leeyahay ayaan Borama ka furaynaa, kaas oo cabashooyinka reer Borama oo keli ah ka shaqayn doona.  Waxa cid kale ugu wehelin weydey mudanayaashu ma sheegin. Ma ay sheegin raggii meesha marayey in gobollada oo dhan laga furi doono xafiisyo la mid ah, in furitaanka xafiisyadu yahay go’aan Gole, in bulshada qaarkeed laga qadin doono oo aanay iyagu u baahnayn, in xafiisku yahay mid ku kooban xildhibaannada Waddani ugu jira Golaha iyo in kale, in uu gacansaar dhow la yeelan doono Xafiiska xisbigaasi ku leeyahay gobollada iyo in kale iyo in uu xafiikaasi yeelan doono shaqaale xisbiga laga soo xulay iyo in kale. Marka si kale loo yidhaahdo, xafiiskaas, oo dad badan ugu muuqda, xafiis kale oo xisbiga Waddani ka furtay Boorama, ma cadda in uu yahay mid sharciyaddiisu sugan tahay maadaama aanay Dastuurka Qaranka ku jirin in Baarlamaanka Qaranku isu beddeli karo xafiis-goboleedyo muranno aan shacbigu u baahnayn u horseeda.

Waxa ka yaab badnayd markii furitaankii xafiisku isu beddeley indho la’aan lagu naqdiyo safarka taariikhiga ah ee Madaxweynaha, ee yididiiladii shacabka soo nooleeyey, kagana dhabeeyey in badan oo uu ka mid yahay bilawga jidka Ceerigaabo-Burci, iyo in ka horreyseyba ayaa uu Mataan Hoorri ku tilmaamay “caydh jibbootey”, isaga oo kaga daba tegey erayadaa foosha xun ammaan badan oo uu markii hore ugu qiray Madaxweynaha iyo habboonaanta xilligan ee safarkiisa.

Waxa jawaab waafi ah oo cad ka bixiyey Suldaan Saleebaan oo u sheegay in aanu Golaha Wakiillada ay ka socdaan u aqoon gole wax qabad ee ay u arkaan mid baastoolado iyo kuraas la isula baxo marka waxqabad iyo horumar laga hadlo. Taasi halgaad ayay ku noqotay Ina Mahdi Buubaa oo ah mid ka mid ah labada nin ee caadaystay inay golaha garamada ula baxaan, waftiganna watey. Waxa suldaanku u quus gooyey hammigii mudanayaashani ka lahaayeen in loo hadoodilo reer Awdal ‘booraan loo daoodilo, qabarna hooseeyo’, oo ahaa olole siyaadaysan, oo ka masayray taageeradii aan look ala hadhin ee gobolku ku qaabilay Madaxwynahooda.

Dhinaca kale, Sultan Saleebaan waxa uu Madaxweynaha ku tilmaamay mid horumar horseeday oo ay aad uga mahad celinayaan.

Erayada Suldaanka ma aanay filayn raggii u yeedhay oo waxa ay is lahaayeen dhinaca ayuu idinkagala qabanayaa naqdiga Madaxweynaha, waayo raggii kale ee waaweynaaba loogama yeedhin madasha.

Waxa dadka in badani aanay ka warqabin in hanta-lunsi ballaadhan ay ku duugan tahay madax-xigeennada miisaaniyadda Golaha wakiillada  oo u muuqata mid aad loo buunbuuniyey, kharajaad xad dhaaf ah oo aan dan qaranka u ahaynina ka buuxaan, sida madax-xigeenka “ijaarka gaadiidka, Xafiisyada iyo guryaha” oo Saddexda sannadood ee 2011, 2012 iyo 2013 lagu lunsaday hanti kala ah SlShs 11,700,000 sannadkiiba, oo aan haba yaraatee Xafiisyo iyo guryo kale oo Golaha Wakiilladu leeyihiin, oo wada guddoonteen aanay jirin, lana gelin. Sidoo kale, waxa sannadkan 2014 iyadana lala maray jidkii hore, oo waxa hadda loo tegey Borama in SlShs 11,700,000 dhabbadii caddayd ee kuwii hore mareen loogu jeexo si farsamaysan – doorkan.

Hanti-lunsigan ka dhex jira Golaha Wakiillada, oo dhaqaalayahanno badani la xidhiidiyaan  halka laga dheego safarrada tirade badan ee Xisbiga waddani iyo guddoomiyahooga,  isaga oo faahfaahsan, kala soco cadadyada dambe.

 

 

Daawo lifaaqyada.

Wa Billaahi Tawfiiq

Mohamed Somali, Hargeisa