Mudanayaasha Golaha Wakiiladda oo loo qaybiyey lifaaqa heshiisyaddii dhexmaray Somaliland iyo Somalia


Hargeysa(SLpost)- Fadhiggii maanta oo shirgudoominayay guddoomiye ku-xigaanka 2-aad ee golah Wakiiladda Somaliland , ayaa mudanayaasha loogu qabiyey lifaaqa uu ka kooban yahay heshiisyadii ay xukuumadda Somaliland iyo Soomaaliya ay ku wadda gaadheen dalalka Ingiriiska iyo isu-tagga imaaraddka carabta.

Lifaaqa ka soo baxay labadda kulan ee ay wadda-yeesheen labadda waddan ayaa ka dambayey soo jeedimihii beesha caalamka ee Istaanbul iyo Ingiriiska ee lagu go’aamiyey inay Somaliland iyo Soomaaliya ka waddahadalan mustaqbalkooda.

Kulankii labadda dhinac ee ka dhacay 20-21-kii caasimadda London, waxa uu ahaa mid farsamo ah.Halka kulankii 28-ka june ka dhacay imaaradka carabtuna ay ku wadda kulmeen madaxweynayaasha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo kan Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed.

Mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa fallanqayn ka soo yeelanaya labadda heshiis ay labada dhinac ku soo gaadheen labadda kulan