Mudanayaasha Golaha Wakiilada oo loo qaybiyey Xeerka Sirdoonka Qaranka

Hargeysa, (SLpost), Golaha Wakiilada ayaa maanta fadhigoodii oo uu shir-guddoominayeyGuddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa loogu qaybiyey Xeerka Sirdoonka Qaranka, isla markaana waxa mudanayaasha lagu wargaliyey inay xeerka Sirdoonka qaranka ku soo sameeyaan falaqayn ka hor inta an Xeerkaasi loo qaadin cod lagu ansixinayo.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu ku dhawaaqay kadib markii Xildhibaanada loo qaybiyey Xeerkaas in Xildhibaan cusub uu ku soo biiray Golaha Wakiilada Somaliland oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo soo buuxiyey mid ka mid ah Jagooyinkii laga qaaday xubin ka mid ah afartii Xildhibaan ee laga caydhiyey Golaha Wakiilada Somaliland.

Somalilandpost.net/Hargeysa