Mudaharaadyo Rabshado Wata oo ka socda Caasimadda Dalka Senegal iyo Madaxweynaha Dalkaas oo Shacabka ugu baaqay inay is-dejiyaan

Dakar, 28 January, 2012 (SLpost)- Madaxweynaha dalka Senegal Mr. Cabdalle Wade ayaa maanta ugu baaqay dadweynaha dalkiisa in lays dajiyo  isla markaana la joojiyo dibad baxyada rabshadaha wata ee dalka ku sii fidaya. .

Dadka dibad baxyada samaynayaa ayaa diiddan in Madaxweynaha dalkaasi Mr. Cabdale Wade uu mar saddexaad isu taago doorashada madaxtinimada ee dalkaasi ka dhici doonta Bisha soo socota ee sannadkan isaga oo wadankaas ka talinayey laba xili oo min lix sanadood ah .

Dibad baxyadan oo bilaabmay maalintii Jimcihii ee shalay ayaa ka danbeeyay kadib markii xisbiyada mucaa’ridku dalbadeen in la sameeyo isu soo bax socod lagu tagayo qasriga madaxtooyada si loogu muujiyo inuu Cabdale Wade mar sedexaad aanu isu soo taagin in uu noqdo musharax madaxweyne.

Hasa yeeshee waxaa xaaladan cirka ku sii Shareeray kadib markii Maxkamada Distooriga ah ee dalkaasi ay qodobkan lagu muransan yahay ka dhigtay mid sharci ah isla markaana awood u siinaya in Madaxweynaha dalkaasi uu isu soo sharixi karo mar sadexaad , ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi oo ay u badan yihiin muxaafidku ansixiyeen.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net