Mudaharaado Rabshado wata oo Dad ay ku dhinteen dalka Sacuudiga

Suadi(SLPOST)Ciidamada rabshadaha ka hortaga ee dalka Sacuudiga ayaa maanta awood u adeegsaday kala cayrinta dad iskugu soo baxay magaalo la yiraahdo Cawaamiyah oo ka tirsan gobolka Qatif ee bariga wadanka Sacuudiga.

saudi-buraida-protest-1

Warbaahinta Carabta qaarkood ayaa ku waramaya in ciidamadu ay rasaas caag ka sameysan iyo qiiqa dadka ilmada ka keena u adeegsadeen dadka iskugu soo baxay.

Dibad baxayaashaan oo diidan nidaamka boqortooyadda ee Sacuudiga ka jira ayaa waxaa ay dalbanayaan in boqorka wadankaasi is casilo.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in illaa 10 ruux oo ku dhaawacantay isku dhacyadaas la geeyay xarumo caafimaad.

Gobolka ay dibad baxyadaas ka dhaceen waxaa badankiis dega dad Shiico ah.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland