“Mudaharaadku waa mid dadka ka yimaadda ee maaha mid lagu Ajburo” – Ex-Wasiir Cabdilaahi Cukuse

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay inaanay muuqan xaalad laga dayrin karo oo xilligan waddanku ku sugan yahay, sidaas awgeed aan loo baahneyn tallaabo kasta oo waxyeello u geysan karta xaaladda ammaan ee dalka.

Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo xilalka wasaaradaha Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha ka soo qabtay Xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo, ayaa mar uu maanta warfidiyeennada qaarkood kula hadlay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Cukuse isagoo daba-socda baaq uu guddoomiyaha Xisbiga Waddani ugu diray taageerayaashiisa gobolka Maroodijeex inay maalinta Berri ah isugu yimaaddaan Xarunta Xisbiga ee Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay jirin xaalad kallifi karta bannaan-bax shacabku sameeyaan.

Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay in ka-sokow jiritaanka tabashooyinka siyaasadeed iyo kuwa shaqsiga ah ee laga sheegto Ciddii gacanta ku haysa hoggaaminta talada dalka, haddana aanay wannaagsanayn ku-dhiirrashada tallaabo kasta oo waxyeello u geysan karta ammaanka dalka.

Waxa uu Cabdilaahi Cukuse ku dooday inaanay jirin sabab cad oo guddoomiyaha Waddani taageerashiisa ugu sheegay inay isu-soo-baxa u sameeyaan, balse ay tahay rabitaan ka tarjumaya dano gaar ah oo shacabka lagu kallifayo.

Warkan oo Faahfaahsan ka Daawo Muuqaalka Hoose