Mudaharaad lagaga soo horjeedo Go’aan Maamulka Kililka 5aad Colaad kaga dhex-abuurayso Shacabka Xoolo-dhaqatada ah oo Xashin ka dhacay

Muuqaalka Degmada Xarshin
Muuqaalka Degmada Xarshin
Muuqaalka Degmada Xarshin

Xarshin (SLpost)- Bannaan-bax aanay u kala hadhin bulshada ku dhaqan magaalada Xarshin ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa lagaga soo horjeestay go’aan Maamulka Kililka 5aad ka soo saaray khilaaf dhinaca dhulka ah oo u dhexeeya dadka xoolo-dhaqatada ah eek u dhaqan deegaanno hoos yimaadda degmada Xarshin.

Laba beelood oo ka soo kala jeeda deegaannada Xarshin iyo Dhagax-buur oo dhowaan heshiis hordhac ah ka gaadhay dirir dhexmartay, balse isku af-garan waayey dhulka madaha u noqonayaa, ayaa dawladda Ismaamulka Kililka Shanaad ka dul-keentay go’aan u sad-burinaya beesha Dhagax-buur, iyada oo Beesha Xarshimeed lagu amray inay dib uga guuraan dhulka ay deggan yihiin, waxaana deegaanada la keenay cagafyo lagu jeexayo Madaha, taas oo dadka deegaankuna u arkeen colaad hor leh oo heshiiska lagu burburinayo iyo dhul-ballaadhsi beesha kale loogu sad-burinayo.

Mudaharaadka shalay ka dhacay magaalada Xarshin gelinkeedii hore oo daba-socday go’aanka dawladda iyo Odayaal loo xidh-xidhay inay diideen go’aankaas, ayaan haba-yaraatee wax khasaare ah geysan, iyada oo dadweynuhu ku mujinayeen sida ay uga soo horjeedaan in dhulkooda la qaato, kala-qoqobnaan iyo colaad mar kale la dhex-dhigo bulshada Xoolo-dhaqatada ah.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka helnay magaalada Xarshin, mudaharaadka ka dhacay magaalada Xarshin oo saamayn ku yeeshay deegaannada hoos yimaadda, ma jirin iska hor imaad ciidamada ammaanka dhex-maray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka heer degmo, haseyeeshee warar aanu ka helnay deegaannadaas ayaa sheegay in deegaanno dhinaca Koonfureed kaga beegan oo hoos yimaadda degmada Xarshin la geeyey Cagafyo loogu talo-galay in lagu jeexo Xuduud cusub oo laga dhex-samaynayo deeggannadaas, arrintaas oo shacbka deegaanku ku tilmaameen mid colaado hor leh ka abuuray deeganka isla markaana bulshada lagu kala qaybinayo.

SOMALILANDPOST.NRT