Mudaaharaad Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Italy

Hargeysa (SLPOST) Magaalada Rome ee Caasimada dalka Talyaaniga ayey shalay (Sabti) ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dad ku dhaawacmeen.

Rome_protests_

 Banaanbaxa ayaa looga soo horjeeday qorshaha sicir bararka ka jira dalkaasi Talyaaniga gaar ahaan sare u kaca ku yimid kirooyinka guryaha iyo shaqo la’aanta. Waxayna sidoo kale dadkan kasoo horjeedeen qorshaha cusub ee xukuumada Raysalwasaare Matteo Ranzi ee awooda u siinaya shirkadaha inay si fudud ku ruqseyn karaan shaqaalahooda.

Dad gaadhaya 15.000 qof ayaa ka qeyb qaatay banaanbaxa oo markii danbe rabshado isku bedalay, booliiska ayaa sheegay in ay xidheen lix kamid ah abaanduulayaashii banaanbaxa hogaaminayey, waxaa sidoo kale jira dad badan oo ku dhaawacmay iska horimaadka dhexmaray ciidamada booliiska, hal qof ayaa la sheegay in xaaladiisa culustahay kadib markii ay ku qaraxday baaruud uu doonayey inuu ku tuuro ciidamada.

Dalka Talyaaniga ayey ka jirtaa shaqo la’aan baahsan waana caqabadaha ugu waaweyn ee horyaal Raysalwasaaraha 39 jirka ah, Matteo Ranzi iyo xukuumadiisa.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland