Mucaaridka iyo ka Faa’iidaysiga Xasaanadda (POLITICAL IMMUNITY) – W/Q: Axmed Aadan Haybe ( QALINMAAL GROUP)

Damaca shakhsiga ah oo bata, iyo kalsoonida lunta, ayaa astaan u ah mucaaridka ibtilada iyo sharka badan , ee dhib mooyee dheefba aan lahayn.

Iyadoo si kalsooni leh oo garashada caqligu hagayo loo garto duruufaha jira waxay innaga kaalmaynaysaa in aan wax kasta sida ugu haboon u xalilo. Marka aynaan qiyaasi Karin wixii ganacteena ku jira iyo faa’iidada ay leeyihiin ayay imanaysaa in waxa kastaa innagu hoos baa’baan.

Nidaamka dawladnimo ee hamiga iyo dadaalka wataa ayaa caqliga wanaagsani taageero mooyee aan hagardaamo kala hor imanayn.
Mucaaradka aan fikirka iyo xikmada balaadhan ku shaqaynayn ayaa ah kan horjoogsada wanaag iyo hawl kasta oo ay dawladu qabanayso bulshadana isku daya inuu ka marin habaabiyo, isagoo sheega inay jiraan dano kale.oo hawshan loo qabanayo. “Great spirits have always encountered violent opposition from mediocre minds.” Albert Einstein. Dadka dedaalka iyo niyadda sare leh waxay la kulmaan mucaarid cadaw ah, naxariis daran oo maangaab ah.

Mucaridka liitaa wuxuu rabaa inuu baa’biiyo oo qariyo natiijada guulaha la gaadhay , waxayna abuuraan mushkilado kala danbeeya oo lagaga jeesto wax qabadka.

Noloshu waa lamaane iska soo horjeeda Gaajo, Dhereg, Cudur , Caafimaad , Sabool, Qani, dawlad , iyo dawlad la’aan iwm. Ka hor intaan si fiican looga faa’iidysan caqliga Alle aadamaha ku manaystay, noloshu waxay ahayd mid dhib badan , laakiin waayadii dambe mar kasta heerka dhibaatada noloshu way yaraanaysay waxaana sabab u ahaa adeegsiga caqliga iyo xikmadda.

Marka aan aadmigu si fiican u adeegsan caqliga waxa dhici jirtay in xataa haddii qof xanuun fudud u bukooda loo arki jiray belaayo cirka kaga soo dhacady ama in shaydaan derderay oo mararka qaar la odhan hala gubo, laakiin markii si fiican xikmada looga faa’iideeyay waxa la ogaaday in la daawayn karo. Inkastoo dunidan maanta meelaha qaar ay weli sii jirto caadooyin yaab kugu ridaya oo aan caqligaba gelayn, haddaan kuwaasi weli waxay u nool yihiin habkii duurjoogta. Mucaaridka waxa ka maqan adeegsiga xikmadda iyo fikirka wanaagsan.

Siyaasadda iyo aqoon kasta oo lagu farsameeyo nolosha iyo isbedelkeeda waxa laga soo minguuriyay Caqliga. iyadoo hore xalka arrinkaasi lagu riixi jiray meeelo kale , ayna ka dhalan jirtay masiibo weyn.
Mucaaridka waxay arkayaan dedaalka aan joogsiga lahayn ee Xukuumadda Mudane.Axmed Maxamed Siilanyo, taasi oo ay uga dhigayaan bireeg ay ku joojiyan, kagana jeediyaan hawlaha, iyagoon maranaba qirayn waxtarka xukuumadda.
Xisbiyadu malaha qorshe cad oo ay ku socdaan mana siiyaan ahmiyad arrimhaasi mana hayaan hawl samafal oo socota waxtarna leh., Sidaa awgeed markasta waxay ka hadlayaan waa arrin siyaasi ah iyagoo abuura mawduuc cusub oo ay ku raadinayaan intii hoos joogtay ee rabtay inay ka dhaqaaqdo uga dhigaan hawl socota si ay ugu mashquulaan.

“You will face your greatest opposition when you are closest to your biggest miracle.”
Nin waliba halkuu hibanayuu halow ku siiyaaye
Danta lama huraan iyo waqtigu waa hardamayaane

Mucaaridka u weyni wuxuu ka hor imanayaa marka aad samaynayso arrin weyn oo mucjiso ah oo ku rida ammakaaga, kaasi oo ka soo burqunaya xasadka xag jirka ee xanuunka ku ah.
Shirka Qaran ee ay mucaaridku madaxa la galeen waa mid aan sharci iyo dastuur midna waafaqsanayn, kooxdii ku soo wareejisay, waxay kaga baxsadeen in fashil ku yimaado, waxayna u arkeen in aan sharciga laga hor iman Karin…. Halka Mucaaridku ay ka fa’iidaysanayaan xasaanadda uu sharcigu siiyay (Political Immunity) oo ay ka dhigayaan mid ilaalinaysa oo gabood uga ah sharci iyo sharci darraba.

Mucaaridku waxay shirka uga jeedan:
1- Inay indhaha bulshada ka jeediyaan waxqabadka xukuummadda.
2- Xubnoohooda oo ay ku mashquulinyaan markii ay ogaadeen in badan iskaga dhaqaaqayso mar haddii aan hami iyo hilow horumar aanu ku jirin oo xukuumadda iyo siyaasadda iyo kursiga siday u gaadhaan xaalkoodu yahay.
Waa in odayaasha mucaaridku ogaadaan in aan sharciga iyo xeerarka qaranka deelqaaf iyo meel ka dhac lagu samayn karin xukuumadduna ay ilaalinayso “ Ninka ragi hilib qaydhin wuu qaadaa, lakiin hadal qaydhin maqaado” Waa in sharciga wax lagu yahay la wada ilaaliyo.
Mucaaridku waxay jeexayaan oo marayaan dariiq khaldan oo aan wax cusub iyo curin lahayn waxa kastaana waxay ku baabinayaan jahawreerka ku dhisan beenta iyo marin habaabinta runta mala awaalka ah.

Marka xukuumaduhu ay hawlo adag ku dhaqaaqaan ee yoolkooduna uu fog yahay , waxa ka hor imanaya mucaarid xasad badan oo hadal mooyee aan hawl lahayn.
“The worst part of success is trying to find someone who is happy for you.” Midler

Ma helaysid markaad wado dadaalka guusha, cid ku farxaysa , cadaadiska u weyn ee guusha ka horyimaadaa waa iyadoo laga aamuso in la sheego in la gaadhay guulo, tiro yar oo caqligu ka shaqaysiiya ayaa og markay guushu socoto in dariiq saxa la marayo….Dadka badankoodu waxay ogaadeen wakhti dambe… waxaana lagu kala duwan yahay dhakhsaha fahamka guud ee hawlaha socda.Taasina waa arrin caadi ah oo la rabo inuu qofka raba guusha uu sabaro.
“The biggest challenge after success is shutting up about it.”

“ A kite flies against the wind, not with it” Winston Churchill
Dhaqanku muucaardkii waa odhaahdaasi , dhinaca saxda ah maahee dhinac kale ayay mar kasta u socdaan. Arrimuhu yay isku khaldamin ,Dhinac ayaa loo wada socdaa waxa la gaadhay heer doorasho iyo tartan lagu kala baxo. “ Arrin la iskama horkeenee oodbaa la iska horkeenaa”