“Mucaaradku waa Mucaarad, laakiin annagu Mucaaradka Raalli-gelin mayno…” – Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo oo Kalsooni ka Muujiyey inuu Mar labaad Hanan Karo Hoggaaminta talada dalkaBurco (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka hadlay dhaliilaha Xisbiyada Mucaaradku ugu jeediyeen tayada wax-qabad ee xukuumaddiisu ka geysato adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale, waxaanu sheegay inaanay xukuumad ahaan dheg jalaq u siin doonin dhaliilahooda balse ay ku foogganaan doonaan wax-u-qabashada shacabka iyo inay xukuumad ahaan ka soo baxaan masuuliyadda hoggaamineed ee loo igmaday.

Md Axmed Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyey socdaal ku marayey gobollada Bari ee dalka, waxa kale ka hadlay natiijada socdaal isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa todobaadkan ku tageen magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, halkaas oo uu kula kulmay dadweynaha deegaankaas isla markaana uu mashaariic hor leh u dhagax-dhigay.

Madaxweynuhu waxa uu Arrimahan kaga hadlay waraysi lagula yeeshay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer oo uu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa.

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA LALA YEESHAY SIILAANYO