Mucaaradka Somaliland oo Qaaddacay Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa (SLpost)- Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI Iyo UCID ayaa si wada jira gabi ahaanba u qaadacay Diiwaan galinta Madaniga ah ee la filayo inay  dhawaan dalka laga sameeyo.

Masuuliyiinta ugu sarraysa Labada Xisbi Mucaarad  ku qabteen Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, ayay ku shaaciyeen inay qaaddaceen diiwaangelintaas oo ay kku sifeeyeen mid meesha ka saaraysa diiwaangelinta codbixiyeyaasha ,waxaana ay ugu baaqeen guud ahaanba taageerayaashooduna in aanay ka qayb galin diiwaan galintaas.

Mucaaradka Somaliland oo Qaaddacay Diiwaangelinta Madaniga ahGuddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Axmed Muumin Seed oo shirka-jaraa’id ka hadley ayaa ugu horeyn waxaa uu faah faahin dheeraad ah uu ka bixiyey qaabkii uu hore ugu dhacay heshiiskii dhexmaray Axsaabta Qaranka,Komishanka Doorashooyinka,Iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland sida oo kalena loo gudbiyey deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka.

“Waxaad ogtihiin mudadii ugu danbaysay in wadahadal iyo heshiiyo badan ay socdeen hadaanu nahay Saddexda Xisbi Qaran,Xukuumada,Komishanka Iyo Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyo waliba deeqbixiyeyaasha inaga caawiya doorashooyinka socodkooda oo dhamaantayo waxaanu markaa ku heshiinay in la qabto diiwaan galinta Madaniga ah iyo diiwaan galintii codbixiyeyaasha,waxaanu isla wada saxeexnay oo haayadaha Caalamiga ah ay iyaguna ay inala ogaayeen oo aanu qoraaladoodii aanu halkan ku hayno oo waliba Madaxweynaha Jamhuuriayada Somaliland uu saxeexa qayb ka ahaa oo Xukuumadiisa uu u matalaayey Wasiirka Arrimaha gudaha oo in labada doorasho ta Madaniga ah iyo ta diiwaan galinta codbixiyeyaashu in ay is garab socdaan ayaanu ku heshiinay waanan wada saxeexnay,warbaahintuna Marag ayaa ay ka ahayd”Ayuu yidhi Md:Axmed Muumin Seed.

Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu Xukuumada ku eedeeyey in iyada oo iska indhatiraysa heshiiskaas hore ay gabi ahaanba jabisay,waxaana uu sheegay in ay baarlamaanka horgeeyeen xeer ay Wasiiro gaar ahi ay daba ka riixayaan.

“Runtii Xukuumadu iyada oo iska indhatiraysa heshiisyadii iyada oo waxii aanu ku heshiinay baal marsan,waxay sameeyeen in ay xeer duuduuba ay baarlamaanka horgeeyaan oo ay Wasiiradu daba ka riixayaan oo aanay waliba Xukuumada lafteedu aanay ku wada socon,markaanu aragnay Saddexdayada Xisbi qaran iyo Akaadamiyada Nabadu shirbaanu ka wada galnay,halkaa waxaa nagaga go’ay oo nagaga hadhay Xisbi Xaakimkii,waxaana isku soo hadhay Labadii Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI deedna heshiis midaysan ayaanu u gudbinay Madaxweynaha oo aanu kaga codsanayno waxa uu ka damacsan yahay heshiiskii hore ee aynu ku heshiinay oo waliba qoraalna ah runtiina Madaxweynaha qoraalkii waa uu gaadhay Xafiiska ayaana loogu gudbiyey deedna balan ayaa ay noo qabteen oo waxaa ay yidhaahdeen Laba cisho ha nala sugo,waxaanu sugaynay Shan maalmood runtiina noogama uu san soo jawaabin,markaanu aragnay balamihii badnaa ee beenta ahaa markaanu aragnay heshiisyadii hore aanu xukuumada wada galnay ee kii caalamku nala ogaa iyo Komishankuba ay wada baal mareenba”Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI.

Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI waxaa uu intaas kadib uu daboolka ka qaaday in aanay Ka Asxaab Mucaarad ahaan aanay a qayb gali doonin Diiwaan galinta Madaniga ah ee dalka ka dhicidoonta,waxaana uu ugu baaqay taageerayaashooduna in ay ku taageeraan go’aankas ay qaateen Axsaabta Mucaaradku waxaana uu yidhi:

“Waxaanu doonaynaa in aanu halkan aanu shicibka reer Somaliland uga cadayno waxaanu doonaynaa taagreerayaashayada gaar ahaan WADDANI iyo UCID-ba in aanu u sheegno in hadii ay Xukuumadu ay balantii ka baxday in aanu qaadacnay diiwaan galintii Madaniga ahayd oo meel ay ku sal leedahay iyo meel ay ku socotaba aan lagaranayn,Kabkii yaraa ee dawladaha hoosena lagu maal galinaayo oo waliba shicibku si uu u kaco la leeyahay dagmada heblaayana 20-baa la siiyey,dagmada kalena 15-ayaa la siiyey,ee gobalona la leeyahay waa 30-goobood,gobalo kalena la yeehay waa 20-goobood,markaa aniga oo ku hadlaaya Afka Xisbiga WADDANI labadayada Xisbi mucaarad waxaanu isla garanay in aanu heshiis midaysan aanu ku nahay in aanu qaadacno Diiwaan galinta Madaniga ah”

Ugu danbayntiina Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Gurey) oo isna dhankiisa halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu shir qool ku tilmaaay diiwaan galinta Madaniga ah ee Xukuumadu dalka ka hiralinayso,isaga oo isna dhankiisa ka sheekeeyey sababta ku kaliftay in ka Mucaarad ahaa any qaadacaan.

“Markaanu arrinta Labadayada Xisbi aanu aragnay ee ah shirqooladan ku socda Diiwaan galintii ee ay Kow ka tahay kan imika aan ka waramayaa,runtii dee afar sano iyo dheeraad ayaa aynu soo soconoo halkan Xukuumada ma yaalo waxii la odhan jiray wada tashi iyo isqan cin,Isu-joojin iyo isu tanaasul taas idinkuna waad ku taqaanan inaguna waanu ognahay,markaa Imika muddo todobaad ah ayaa maalinba maalinta kadanbaysa la nalahaa ha la hadlina Saxaafada,warka hoos u haya,nagu sima,qariya oo Illaa arbacada na suga.markaa nasiib darro Saaka ayaa ugu danbaysay oo ay nagaga baxeen,markaa aanu is eegnay anagu kow waxaanu go’aan sanay in bahashaas diiwaan galinta ah ee Magacyada badan in aanu qaadacno gabi ahaanba,taageerayashayadana waxaanu ugu baaqaynaa in Labadayadaba Xisbiba ay nagu tageeraan in aanu qaadacnay Diiwaan galinta Madaniga ah,” ayuu yidhi Mujaahid Cali Yuusuf (Cali Gurey).
SOMALILANDPOST.NET